Somaliland: Golaha Wakiillada oo Laalay Kootadii Fiber Obtic-ga iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Ka Hadlay

Hargeysa(aftahannews):- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Wax-ka-beddel Ku Sameeyey Xeerka Isgaadhsiinta, isla markaana waxay Meesha Ka Saareen Kootada Isgaadhsiinta Internet-ka Badda Hoos-mara ee Fiber Obtic-ga, oo Shirkadda Somcable Kooto Golahan laftiisu ugu xidhay 2011-kii muddo 25 sannadood.

Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ee Somtel iyo Telesom, ayaa iyaguna geestooda si wada-jir ah u soo dhaweeyey wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey Xeerka Isgaadhsiinta Dalka ee Kootadaa lagu jebiyey.

Fadhiga maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha golahaas Baashe Maxamed Faarax, ayaa la horkeenay Mooshinka wax-ka-beddelka Xeerka Isgaadhsiinta iyo Boosaha, kaas oo ay saxeexeen 75 Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Baashe.

Intaas ka dib Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ayaa mooshinkaas cod geliyey, waxaana oggolaaday 68 Mudane, halka uu hal Xildhibaan ka aammusay, Xildhibaan keliyina diiday Toddobaatan Mudane oo fadhiga ka soo xaadiray, siduu Guddoomiye Baashe sheegay.

Haddaba, Warkaas wax ka-beddelka, kaabista iyo laalista Kootada ee Xeerka isgaadhsiinta Golaha wakiillada Somaliland ku sameeyeen fadhigoodii Sabtida iyo waxay u cuskadeen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.