Quique Setién: “Real Madrid Wali Ma Go’aaminin Ku Guuleysiga Horyaalka”  

Macalinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Quique Setién ayaa sheegay in Real Madrid aysan wali ku guuleysan Horyaalka La Liga, kaddib guushii ay gaadhay kulankii El Clásico.

Barcelona ayaa ku martigalin doonta habeen dambe garoonka Camp Nou kooxda Real Sociedad, si ay u wada ciyaaraan kulan qeyb ka ah kulamada 27-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain, waxayna Barca hal dhibic ka hooseysaa hoggaanka oo ay fadhido Lo Blancos.

Si kastaba ha noqotee, tababare Quique Setién ayaa shir Jaraa’id uu ka soo muuqday ka hor kulanka habeen dambe ayaa wuxuu ku sheegay“Guuldarrada kulankii El Clásico wax saameyn ah naguma yeelan doonto, waxaan abuurnay 7 fursadood oo cad ee garoonka Bernabeu ah, waxaan ku jirnaa qaab ciyaareed wanaagsan“Waxaana jira waxyaabo ay tahay in la hagaajiyo, waxaan ka dambeynaa hal dhibic kooxda Real Madrid“Ma sheegi kartid cidda ugu cad-cad inay ku guuleysto horyaalka La Liga, wareegba wareega ka dambeeya xaaladdu way kala duwan tahay“Laakiin waa hubaal in Real Madrid aysan wali go’aaminin hanashada koobka La Liga, waxaa hadhsan 11 kulan ka hor dhamaadka tartankan”.