Kooxaha Inter Milan Iyo Juventus Oo La Go’aamiyey Kulankoodda

Xidhiidhka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay taariikhda cusub ee Derby d’Italia, kaa soo ay wada ciyaarayaan kooxaha Juventus iyo Inter Milan.

Ciyaartan oo  qorshaysnayd bilowga toddobaadkan, ayaa dib loo dhigay sababa la xidhiidha cudurka  “coronavirus” oo soo gaadhay dalka Talyaaniga, kaasoo saameyn weyn ku yeeshay kullamo dhowr ah ee la ciyaari lahaa, waxaa hadda la soo saaray taariikhda cusub ee dib loo ciyaari doono.

Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa go’aansaday inuu qabsoomo kulankan Axada soo socota oo ay taariikhda ku beegan tahay 8-da March kaasoo ka dhici doono garoonka Allianz.

Ciyaartan ayaa la qaban doonaa iyada oo aysan ka soo qeyb gali doonin wax taageera ah, sida ku xusan sharciga dowladda Talyaaniga, iyadoo kullamadii dib loo dhigay oo dhan la ciyaari doono ilaa iyo 3-da April, iyadoo aysan ka soo qeyb gali doonin taageerayaasha si loo yareeyo faafitaanka cudurka “coronavirus”.