Ciyaaryahan Ronaldinho Oo Lagu Xidhay Baasboor Been Abuur Ah

Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka ee Brazil Ronaldinho ayaa lagu qabtay dalka Paraguay kaddib markii lagu eedeeyay inuu dalkaas ku soo galay isaga oo adeegsanayo baasaboor been abuur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Booliska Paraguay ayaa qabtay Ronaldinho iyo walaalkiis xilli ay ku sugnaayeen huteel ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Asuncion.

Wasiirka arrimaha gudaha Paraguay ayaa warbaahinta ESPN Brazil u sheegay in haatan la baadhayo Ronaldinho.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in aysan ku khaldaneyn qabashada Ronaldinho balse xaaladdiisa ay kala shaqeynayaan mas’uuliyiinta si loo xaqiijiyo dambiga loo heysto.

Bishii July ee sannadkii 2019, waxaa lagu soo warramay in Ronaldinho lagala noqday baasaboorada dalalka Brazil iyo Spain kaddib markii uu bixin waayay cashuurtaK”Waa in aan qaddarinaa maadaama uu yahaya ciyaartooy caan ah balse waa in la xushmeeyaa sharciga, qofka aad rabtid ahaaw, sharciga wuu ku qabanaya” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Paruguay, Euclides Acevedo.

Ronaldinho oo 39 jir ah ayaa laba jeer loo aqoonsaday ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, wuxuu u safray Paraguay si uu soo shaac bixiyo buug iyo olole uu ugu doodayo in la ilaaliyo xuquuqda carruurta ka soo jeedo qoysaska saboolka ah.

Ronaldinho ayaa sannadihii 2004-tii iyo 2005-tii ku guuleystay ciyaaryahanka sannadka ee ugu wanaagsan dunnida, waxay xulkiisa qaranka Brazil ku guuleysteen Koobkii Adduunka ee sannadkii 2002-dii, xilliggaas oo ay Brazil u wada dheeli jireen Ronaldo iyo Rivaldo.