Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Weerar Middi Ah Oo Lagu Dhaawacay Walaalkii

Jigjiga, (Aftahanews)- Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee walaalkii Dr. Cabdiraxmaan Muxumed Cumar oo laba maalmood ka hor dhaawac tooray ah loogu geystay magaalada Dhagax-buur.

Dr. Cabdiraxmaan oo ah Maareeyaha Cusbitaalka Dhagax-buur ayaa dhaawac soo gaadhay loogu qaaday magaalada Addis Ababa , halkaas oo lagu daaweynayo dhaawacyada soo gaadhay.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo ka hadlay arrintan ayaa waxa uu sheegay in dhaawacyo dhawr ah ay caloosha ka soo gaadheen walaalkii, isla amrkaana ay diyaarad Helikobtar ah ugu qaadeen magaalada Addis Ababa oo lagu daaweynayo.

Madaxweyne Mustafe oo u warramay wargeyska Addis Standard, waxa uu sheegay in qof ku hubaysan tooray uu dhawr jeer caloosha ka geliyey mindida, uuna u geystay dhaawacyo dhawr ah, waxaanu madaxweynuhu xusay in aan la garanayn waxa keenay weerarka.

Dr. Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayuu dhaawacu soo gaadhay Isniintii xilli uu ka soo baxay timo-jare gudaha magaalada Dhaxbuur xilli uu ka soo rawaxay shaqada.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta kusoo dhigay dad looga shakisan yahay inay falkan lug ku leeyihiin, waxaana lagu samaynayaa baadhitaan.