Pakistan oo Ciidammada Cirka Ka Caawinaysa Dowladda Soomaaliya iyo Taliyeyaal Kulmay

TALIYEYAASHA CIIDAMMADA CIRKA PAKISTAN IYO SOMALIA 2020 IN SLAMABAD
TALIYEYAASHA CIIDAMMADA CIRKA PAKISTAN IYO SOMALIA 2020 IN SLAMABAD

Slamabad(aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya General Maxamed Sheekh, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Diyaaradaha ee dalka Pakistan Mujahid Anwar Khan, waxaanay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinaca Ciidammada Cirka iyo kor u qaadista aqoonta.

TALIYEYAASHA CIIDAMMADA CIRKA PAKISTAN IYO SOMALIA 2020 IN SLAMABAD
TALIYEYAASHA CIIDAMMADA CIRKA PAKISTAN IYO SOMALIA 2020 IN SLAMABAD

Kulanka labadan Taliye oo Arbacadii maanta ka qabsoomay magaalada Slamabad ee caasimadda dalka Pakistan, sida ay faafisay Idaacadda dowladda Pakistan, waxay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan in Pakistan Soomaaliya ka taageerto dhismaha Ciidammada Cirka oo aan wakhtigan si toos ah uga jirin Soomaaliya.

General Anwar waxa uu u ballan-qaaday Soomaaliya inay ka caawin doonaan dhinaca tabobbarrada Ciidanka Cirka iyo weliba wada-shaqayn iyo garab-istaag buuxa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.