Waa Maxay Sababta Imaaraadku u Joojiyey Saldhigga Millateri ee ay Somaliland ka wadeen?

NASHQADDA SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKU KA DHISANAYEY BERBERA SOMALILAND
NASHQADDA SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKU KA DHISANAYEY BERBERA SOMALILAND

Dubai / Hargeysa (aftahannews):- Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inay joojisay sii wadista Saldhig Millateri oo ay ka dhisanaysay magaalada Berbera ee Somaliland oo ay Somaliland heshiis ku wada galeen 2016/2017-kii.

NASHQADDA SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKU KA DHISANAYEY BERBERA SOMALILAND
NASHQADDA SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKU KA DHISANAYEY BERBERA SOMALILAND

Wargeyska The National ee ka soo baxa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qoray in la joojiyay saldhigii milatari oo Dowladda Imaaraadku ka dhisanaysay magaalada Berbera.

Wargeyska oo warbixin ka qoray maalgashiga ay dawladda Imaaraadku ku samaynayso qaaradda Afrika, ayaa si kooban u sheegay in saldhiggaas milatari la joojiyay ee Imaaraadku ku yeelan lahaa magaalada Berbera ee Somaliland. “Imaaraadku Waxay saldhig milatari ku leeyihiin Ereteriya illaa sannadkii 2015, laakiin qorshe lagu doonayay Saldhig kale oo Somaliland ah ayaa la joojiyay.” ayuu ku yidhi Wargeysku Warbixintiisa, hase-yeeshee, Wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah iyo inuu warkan ka soo xigtay dawladaha Imaaraadka iyo Somaliland midna.

SALDHIGGA MILLATERIGA IMAARAADKA EE BERBERA OO LA BILAABAY
SALDHIGGA MILLATERIGA IMAARAADKA EE BERBERA OO LA BILAABAY

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Septermber ee 2019-kii Berbera ka sheegay in madaarka Berbera ee saldhigga Imaaraadku ay ka dhisanaysay laga dhigay mid shicib oo ay diyaaradaha madaniga ahi isticmaali doonaan, waxaanu sheegay in madaarka oo ay Imaaraadku dib u dhistay uu noqon doono mid ballaadhan oo isku xidhi doona Afrika, isaga oo maalin ka dib markaa, haddana sheegay inaanay Somaliland iyo Imaaraadku midna ka noqon heshiiska Madaarkaas, ee uu sidiisii hore ee Millateriga ahaan doono, sidoo kalena ay Diyaaradaha Kaargooga ee Shicibkuna isticmaali doonaan.

Wargeyska The National, waxa kale oo uu sheegay in dawladda Imaaraadku ay door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadintii lagu guulaystay ee Ereteriya iyo Itoobiya.

Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dekedaha maamusha ee DP World, ayaa gacanta ku haysa Dekedda magaalada Berbera, taasoo ay Somaliland heshiis kula gashay inay muddo 30 sano ah gacanta ku hayn doonto maamulka Dekeddaas. Hase-yeeshee, lama oga in Saldhigga Millateri ee Imaaraadku ku yeelan lahaa Somaliland ka noqoshadiisu saamayn ku yeelan doonto heshiiska Dekedda iyo in kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.