Kala Badh Xeebaha Dunida Oo Qarsoomi Doona Qarnigan

Hargeysa, (Aftahannews)-Kala badh xeebaha dunnida ayaa qarsoomi doona sannadka 2100 sabab lagu sheegay is beddelka cimillada oo hadda walaac ku haya caalamka..

Nabaad guur iyo dhibaatooyin kale oo weyn ayay wajihi doonaan taasi oo ay sabab u tahayn duufaanta, iyada oo xeebaha dunida ee leh ciidda kala badh la weyn doono dhammaadka qarnigan.

Dalalka waa weyn ee lagu xusay daraasadda waxaa ka mid ah  United States, Canada, Mexico, China, iyo Chile. Sidoo kale waxay saameyn doonaan xeebaha dhaca dalalka Gacanka kuwaasi oo la kulmi doona nabaad guur sida uu sheegay hoggaanka qoraayaasha cilmi-baadhistaan Michalis Vousdoukas oo u warramay USA TODAY.

Bahda sameysay daraasaddan ayaa xusay in isbeddelka ku yimi cimillada dunnida 30-kii sanno la soo dhaafay ay walaac ku abuurtay caalamka isla markaanna looga baahan yahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen haddii kalena uu ku saameyn doono mustaqbalka xiga.

Cilmi-baadhida ayaa lagu sheegay in dalalka ku yaalla Galbeedka Africa ay ka qeyb yihiin waddamada ugu badan oo ay saameyn doonto, in ka badan 60% xeebaha ciidda leh ayaa qarsoomi doona sida dalalka Gambia and Guinea-Bissau.

Australia ayaa sidoo kale la kulmi doonto dhibaatadaan iyada oo ay falan-qeeyayaashu leeyihiin in tira ka badan 7,000 oo miles ay Qatari geli doonaan.