Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Qaxoontiga Turkigu Yurub ku Fasaxay Xadka Giriigga Kala Kulmeen

Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020
Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020

Pazakule (aftahannews):- Ciidammada dalka Giriiga, ayaa lagu eedeeyey inay diileen Hal Qof, Shan kalena dhaawaceen, ka dib markii Kumannaan Qof oo ay Dadkaasi ka mid ahaayeen oo Qaxoonti ah, isla markaana maalmo ka hor Turkigu fasaxay isku cidhiidhyeen Taarka dalka Giriigga looga gudbo ee Xadka u dhexeeya Turkiga iyo Giriigga.

Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020
Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020

Saraakiil Turki ah, ayaa Warbaahinta qaarkeed u sheegay inay Lixdaa Qof dhaawacmeen Arbacada maanta, ka dib markii ay Ciidammada Giriiggu Rasaas ku fureen Dadka Muhaajiriinta ah ee maalmihii u dambeeyey sida is-daba-joogga ah uga tallaabayey Xadka Giriigga iyo Turkigu wadaagaan, markii ay Dowladda Turkigu Yurub ku fasaxday Dhawr Milyan oo Qaxoonti iyo Muhaajiriin ah oo muddo sannado ah si is-daba-joog ah u galayey Turkiga, kuwaas oo u badan Qaxoonti Suuriyaan ah.

Hase-yeeshee, Ciidammada ilaalada Xuduudaha ee Giriigga, ayaa eeddaas ku tilmaamay mid aan xaqiiqo ahayn, iyaga oo ku dooday inay Dadka oo xoog u yaacayey, Askartuna ku fureen Gaaska Dadka ka ilmaysiisa markii ay Taarka Xadka xoog ku jiidheen is-cidhiidhyeen, sidaasna uu ku dhaawacmay Ninka markii dambe ku dhintay Cusbitaal ku yaalla Tuulo dhinaca Turkiga ku taalla oo loo qaaday isaga iyo shanta kale ee is-buurashada ku dhaawacmay-ba.

Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020ss
Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020

Qaxoontiga iyo Muhaajiriinta u dareeray dhinaca dalalka Qaaradda Yurub, ka dib markii ay dowladda Turkigu toddobaadkii hore oodda ka qaadday, ayaa Warbaahinta laga daawaday Muuqaallada Dadkaas oo xoog ku jiidhaya Askarta ilaalada Xuduudaha ee Giriigga, iyaga oo Taarka Xadkana awood kaga gudbaya, iyo Ciidammada oo Gaaska Dadka ka ilmaysiisa ku furaya markay ku haftaan mawjadaha muhaajiriinta Xoogga ku tallaabayay, kuwaas oo ay ku jireen Haween Carruur yaryar wataa, sidoo kalena meelaha Webiyada ah ee Giriigga gudihiisa, ayey Warbaahinta caalamku baahisay Dadkaas oo awood ku dhex-maraya si ay uga gudbaan Webiyada.

Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020x
Muhaajiriinta Xadka Greace and Turkish ku dhaawacmay Ku Dhaawacmay oo Midkood dhintay 2020

Dadka Muhaajiriinta ah, ayaa Xubno Soomaali ah oo ku jira oo ka mid ah Dadka Ciidammada Giriigga ee la soo dhoobay Xadka ku joojiyeen Xuduudda Turkiga ee ay ka gudbayeen oo Warbaahinta Soomaalida la hadleen qaarkood, ayaa sheegay inay dib ugu noqonayaan Turkiga, maaddaama oo albaabbada laga xidhay oo Yurub diidday inay u gudbaan Giriiggu ha ugu horreeyee, kuwaas oo sheegay inay ka sokow ciidanka xadka Turkiga ku horjoogsaday ay hafiyeen Qaxoontiga Suuriyaanka ah oo si aan naxariis lahayn ula dhaqmaya Dadka oo ay xataa Cunto Ciidanka Turkigu u qaybiyo iyo waxay wataanba mararka qaar ka boobayaan.

Sidoo kale, waxa lagu soo warramayaa inay dad carruuri ku jirtaa ku dhinteen gudaha dalka Giriigga, ka dib markii ay is-cidhiidhyeen, isna jiidheen Muhaajiriintu markay ka gudbayeen Taarka Xadka Giriigga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.