“Qaraxa Sool waxa ka Masuul ah Madaxda Arrimaha gudaha oo Wasaaraddii ka dhigtay Goob Shaah iyo Sheeko Loo Tago..” Waddani

Hargeysa(aftahannews):- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay Qarax gaadhigiisa loogu xidhay oo lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool, kaas oo Isniintii shalay ku dhintay markii gaadhigiisu ku qarxay isagoo ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbiga Waddani Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha guduhu ay amnigii dadka iyo dalka gudihiisa ee ay Qaranka masuulka uga ahaayeen ay kaga mashquuleen wada-sheekaysiga iyo shah wada cabbis uu sheegay inay ku hayaan xarunta wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu Xoghayaha arrimaha gudaha ee Waddani sheegay in sidoo kale ay ceeb ku tahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay’adaha kale ee amniga Somaliland inaanay wax war ah ka soo saarin illaa hadda sababta ay habeen kasta guryo ku yaalla magaalada Boorama u gubanayaan muddo dhawr toddobaad ah iyo sidoo kale wax ka qabasho la’aanta shaqaaqooyin uu xusay inay ka dhaceen deegaannada dalka qaar.

Haddaba, Warka shir Jaraa’id oo uu Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Waddani Salaasadii maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.