Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil oo Dirqi ugu guulaystay doorashada 2020, Caqabado haysta & Maxkamad ku Socota

Ra’iisul-wasaaraha Sra'el Benjamin Netanyahu oo Mar kale ku Guulaystay Doorashada Sra'el 2020
Ra’iisul-wasaaraha Sra'el Benjamin Netanyahu oo Mar kale ku Guulaystay Doorashada Sra'el 2020

Tel aviv (aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha Srael Benjamin Netanyahu, ayaa ku guuleystay doorashadii Isniinta ka dhacday Israel, oo ahayd tii saddexaad muddo sanad gudihiis ah, isaga oo wakhtigan waajahaya Maxkamadeyn musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin lagu eedeeyey la xidhiidha.

Ra’iisul-wasaaraha Sra'el Benjamin Netanyahu oo Mar kale ku Guulaystay Doorashada Sra'el 2020
Ra’iisul-wasaaraha Sra’el Benjamin Netanyahu oo Mar kale ku Guulaystay Doorashada Sra’el 2020

Guushan, ayaa Netanyahu u oggolaaneysa inuu soo dhiso dowladda cusub, soona afjaro sanad is-marin waa siyaasadeed ah, kadib markii doorashooyin dhacay April iyo September 2019 lagu kala adkaan waayey.

Guddiga dhexe ee doorashada ayaa sheegay inay tiriyeen 90% codadka, ayada oo natiijada warbaahinta qaar ay soo bandhigeen ay muujineyso in xisbiga Netayahu ee Likud uu helayo 36 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka.

Isbahaysiga Netanyahu, oo ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag, ayaa weli u baahnaan doona hal ama laba cod si ay u helaan aqlabiyad, hase yeeshee afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay kasoo goosan doonaan xisbiyada kale.

Xisbiga sida weyn ula loolamayey Likud ee Blue and White ayaa la filayaa inuu helo 32 kursi. Marka lagu daro xisbiyada siyaasadda bidixda-dhexe, iyo kuwa isbhayasiga Carabta ee Arab Joint List, xisbiyada kasoo horjeeda Netanyahu ayaa la filayaa inay helaan 54 ilaa 55 kursi.

Inkasta oo weli aysan jirin wax damaanad oo ah in Netanyahu uu soo dhisi doono dowladda cusub, haddana wuxuu doorashadii Isniinta ku sheegay “guul” weyn. Netanyahu ayaa ku ololeeyey mowqifkiisa adag ee ku wajahan Falastiiniyiinta iyo inuu ballaarin doono deegaananda Yahuudda ee Daanta Galbeed.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday inuu Israel kusoo dari doono Dooxada Jordan, oo ka tirsan Daanta Galabeed, Falastiiniyiintana ay u arkaan inay muhiim u tahay dalkooda mustaqbalka.

Hogaamiyaha xisbiga Blue and White, ahna madaxii hore ee militariga Benny Gantz ayaa qirtay “inuu ka niyad jabay” natiijada. Hase yeeshee waxa uu carabka ku adkeeyey, in wixii ay noqotaba natiijada kama dambeysta ah, Netanyahu uu weli maxkamad kori doono 17-ka March.

In kasta oo la filayo in madaxweyne Rueven Rivlin uu Netanyahu u xil saaro soo dhisidda dowladda cusub, haddana weli ma muuqato waddo uu ku heli karo 61-ka kursi ee uu u baahan yahay.

Xisbiga Yisrael Beiteinu ee uu hogaamiyo wasiirkii hore ee difaaca Avigdor Lieberman oo la filayo inuu helo lix ama toddoba kursi ayaa wacad ku maray inuusan ku biiri doonin dowlad ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag.

Waxa kaliya ee Netanyahu u furan ayaa ah inuu xildhibaanada qaar ka dhaadhiciyo inay khilaafaan hoggaanka xisbigooda, una soo goostaan dhankiisa, si uu dowladda usoo dhiso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.