Laascaanood: Qarax lagu Dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool iyo Siduu u Dhacay

QARAX LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL 2020 SOMALILAND
QARAX LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL 2020 SOMALILAND

Laascaanood (Aftahannews):- Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud Cumar, ayaa ku geeriyoodey Qarax lala eegtay Gaadhigiisa wakhti uu gelayey Huteel Xamdi oo ku yaal Suuqa Bari ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas.

QARAX LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL 2020 SOMALILAND
QARAX LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL 2020 SOMALILAND

Xasan Maxamuud Warsame oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Laascaanood, ayaa dhimashada Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka u xaqiijiyey Idaacadda VOA, isagoo sheegay inuu ku dhintay Qarax gaadhigiisa lala eegtay amma loogu xidhay midkood.

Mas’uuliyiinta gobolka Sool iyo Laamaha Ciidanka Ammaanka Somaliland midna weli kama hadal qaraxaas Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool lagu dilay.

Daawo Warkan Koowan ee Muuqaalka ah ee Weriyaha Laascaanood ee Baddacas24TV ka diyaariyey Qaraxa Guddoomiyaha lagu dilay:-

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha warkaas kala socda qaybaha dambe ee baahinta Warbaahinta aftahannewws.com

aftahanninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.