Hay’adda WHO oo Dingiin Culus Ka Soo Saartay Faafitaanka Corona-virus (COVID-19) iyo Cabsi Soo Korodhay

Coronavirus disease (COVID-19) oo Dad laga baadhayo 2020
Coronavirus disease (COVID-19) oo Dad laga baadhayo 2020

Dunida(aftahannews):- Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in cudurka Coronavirus disease (COVID-19) oo si xawli ah u faafayaa uu saamayn karo, isla markaana laga cabsi qabo inuu dalalka Dunida oo dhan wada gaadho amma inta badan gaadho.

Coronavirus disease (COVID-19) oo Dad laga baadhayo 2020
Coronavirus disease (COVID-19) oo Dad laga baadhayo 2020

Digniinta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Caafimaadka ee WHO, ayaa timid iyada oo Jimcihii maanta ay sare u kacday cabsida faafitaan ee cudurka laga qabaa, ka dib markii shan dal oo hor leh ay shaaciyeen inuu Dadkooda gaadhay xanuunka oo bilo ka hor ka bilaabmay dalka Shiinaha.

“Faafitaanka waa uu sii ballaadhanayaa.” sidaas waxa yidhi Afhayeenka WHO Christian Lindmeier oo shir Jaraa’id ku qabtay Jimcihii maanta magaalada Geneva ee dalka Swetzerland, waxaanu intaas ku ladhay; “Fursadda cudurku uu ku gaadhi karo dalal badan, haddiiba aanu gaadhin dhammaan dalalka caalamka, waa arrin aan aad isha ugu hayno.”

Dalalka Nigeria, Estonia, Denmark, Netherlands iyo Lithuania ayaa maanta shaaciyey in kiisas cudurka ah laga helay, sida uu sheegay Lindmeier. Dhammaan dalalkan ayaa sheegay inay xiriir safar la lahaayeen dalka Talyaaniga oo cudurka uu si xooggan ugu faafayo.

Dalka Talyaaniga, ayaa waxa Xanuunkan ugu dhintay 17 Qof, halka uu saameeyey 655 Qof. Waddanka Shiinaha, ayaa maanta la werityey 327 kiis oo cudurka ah, taasoo ah tiradii ugu yareyd tan iyo 23-kii Janaayo, waxaanay tirada guud ee dadka cudurku ku dhacay ka dhigeysaa 78,800 qof, oo 2,800 oo qof oo ka mid ah ay ku dhinteen.

Cabsi xooggan oo laga qabo cudurkani siduu u fidayo, ayaa xoog u sii kordhaysa dunida oo dhan. 75% kiisaska cusub ee cudurka ah ee la diiwaan-gelinayo, ayaa ah meel ka baxsan Dalka Shiinaha ee uu xanuunkani ka dillaacay bilawgii, isla markaana dalalka qaaradaha dunida uga sii gudbay.

Dalalka Iran, Talyaaniga iyo Korea-da Koonfureed, ayaa ah kuwa ugu darran ee cudurka uu saameeyey, marka laga yimaaddo waddanka Shiinaha.

Madaxa Barnaamijka xaaladaha deg-degga ah ee WHO Dr Mike Ryan, ayaa sheegay in faafitaanka cudurka ee Iran laga yaabo inay ka darrantay sida la moodayo. Iran ayaa waxaa cudurka ugu dhintay dadka ugu badan ka dib Shiinaha, waxaa dhintay 34 ka mid ah 388 Qof oo la weriyey inuu Karona-fayras ku dhacay dalka Iran, iyadoo dadka uu ku dhacay ay ka mid yihiin Masuuliyiinta dowladda, sida Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Saraakiil Ciidammada ka tirsan iyo Xubno kae oo reer Iran ah.

Dhinaca kale, suuqyada saamiyada caalamka ayaa si xooggan hoos ugu dhacay, waxaana toddobaadkan uu noqday kii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008, kadib xasaraddii dhaqaale ee caalamka ka dhacday. Qiyaastii 5 trillion oo dollar ayaa ka lumay dhaqaalaha dunida toddobaadkan gudihiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.