Dawladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Kenya

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo digniin culus u dirtay dowladda Kenya

War saxafaadeed ku saabsan faragelinta la sheegay in Kenya ku hayso Madax-bannaanida Soomaaliya oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kenya Faro-gelin ku hayso Soomaaliya isla-markaana ay falal xasillooni daro ah ka waddo xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Dawladda Soomaaliya ka soo baxay ayaa u qorna sidan:-

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu yeeraysaa Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood, ayaa waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xidhiidha ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda.

DFS waxa ay bogaadineysaa hiilka dalalka Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ee sida walaaltinimada leh ugu soo gurmaday shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyagoona u soo diray ciidamo ka qeyb qaata in dalka laga xoreeyo argagixisada, balse waxa ay adkaynaysaa in aysan marnaba aqbalayn in dalalka qeybta ka ah howl-galka Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u adeegsadaan xubinnimadooda dano u gaar ah, fara-gelinta arrimaha gudaha iyo hab ka baxsan awoodda sharciyeed ee ay ku joogaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusuusinaysa dhiggeeda dalka Kenya deris wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka, inkastoo hab-dhaqanka cusub ee Dowladda Kenya uu kasoo horjeedo qarannimada Soomaaliya, curfiga caalamiga, mabaadi’da Ururka Midoowga Afrika, heshiisyada labo geesoodka iyo nabadgalyada guud ee Gobolka.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.