Soomaaliya oo Markii ugu horreysay lagu Qabtay Bandhigga Carwada Gaadiidka

Muqdisho (Aftahannews)- Soomaaliya, ayaa markii uu horreysay lagu qabtay bandhigga Carwada Gaadiidka, si loo dhiirrigeliyo shirkadaha ku hawlan ganacsiga Gaadiidka.

Maxamed Cabdi Duraan oo ah agaasimaha shirkadda soo qaban qaabisay bandhigaan ayaa sheegay in bandhigaan uu ahaandoono mid qaran oo sanad kasta la qabandoono.

Wuxuu sheegay Bandhigaan in uu qeyb ka qaadan doono in uu dhiirri galin u noqdo shirkaddaha dalka ku sameeya qalabka gaadiidka, kuwaas oo helidoona suuq ay kusoo bandhigaan wax soo saarkooda ganacsi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, Ibraahim Mahad alle ayaa bandhigaan ku tilmaamay isbedel weyn oo kusoo saa’iday Soomaaliya, uuna aamisan yahay in uu ka qeyb ka qaadanayo horumarka ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Oomar ayaa sheegay marnaba inaan la filayn in Soomaaliya lagu qabto bandhig noocan oo kale ah.

Wasiirku wuxuu ammaanay ganacsatada Soomaaliya ee hirgalisay in waddanka la keeno gaadiid cusub oo aan hore loo isticmaalin, taasoo uu sheegay inay muujinayso bisaylka ganacsatada Soomaliya oo aaminay dalkooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.