Faysal C Waraabe & Madaxweyne Biixi oo isugu Jawaabay Madaxtooyada iyo Jewigii Heshiiska 3-da Dhinac

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Ka Hadlay Heshiiska ay kala saxeexdeen iyo Xaaladda Siyaasadeed ee Dalku heerka ay gaadhay.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE 2020

Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani iyo Madaxweynaha Somaliland, oo hadallo ka jeediyey Kulanka madaxtooyada ka qabsoomay ee heshiiska saddexda dhinac ah ay ku kala saxeexdeen Khamiistii maanta ee lagu soo afjarayo khilaafka ka taagnaa guddiga doorashada iyo qabsoomidda doorashada golayaasha wakiillada iyo degaanka oo sannado kala duwan muddo-dhaaf ahayd, waxay sheegeen inay heshiiska soo dhawaynayaan.

Ugu horreyn Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha u soo jeediyey inaan shaqsi ka aar-goosi dalka iyo dadka lagu wadi karin ee loo baahan yahay inuu door hoggaamineed qaato.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inkastoo heshiiskani yahay mid dalka ku cusub maaddaama oo ay laba Guddi doorasho iyo Xubno ajaanib ahi doorashada inay qabtaan 2020-ka lagu heshiiyey, haddana uu yahay mid lagaga bixi karo kala qaybsanaanta iyo khilaafaadka joogtada noqday ee doorashada.

Gebo-gabadii Madaxweynaha Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay in waajib saaran ay tahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka dalka, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la is-waafajiyo guddiga sharciga ah ee doorashada ee mucaaradku ka biyo-diideen iyo guddigii hore ee doorashada oo xubno ajaanib ah lagu daray.

Sidoo kale, mar uu Madaxweynuhu ka jawaabayey Soojeedinta Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Furista ururrada siyaasadda.

Haddaba, Hadallada Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye ee UCID iyo Waddani maanta jeediyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.