Wararkii u dambeeyey Khasaaraha Dagaal Dhex-maray Somaliland iyo Puntland & Maxaabiis Ceerigaabo la Keenay

Yubbe (Aftahannews)- Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya dagaal maanta deegaanka Hataaftimo ee gobolka Sanaag ku dhex-maray Ciidammada Millateriga Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland, isla markaana Maxaabiis ay Ciidanka Somaliland ka qabteen Puntland, ayaa galabta la soo gaadhsiiyey magaalada Ceerigaabo.

Dagaalkaasi oo subaxnimadii Arbacada maanta ka dhacay deegaanka Hadaaftimo, ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan si rasmiya loo wada ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Taliska guud ee Ciidamada Somaliland oo war ka soo saaray dagaalkaasi ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen Hub iyo Gaadiid.

Dhinaca kale, Taliska ciidammada Daraawiishta ee Puntland, ayaa iyaguna sheegay in saaka arroortii hore ay ciidan ka tirsan Somaliland weerar ku qaadeen, hase yeeshee ay iska difaaceen. Haddaba, wararkii u dambeeyey ee dagaalkaas gaadiid iyo maxaabiis lagu kala qabsaday oo ciidanka Somaliland Ceerigaabo soo gaadhsiiyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa waraysigan hoose.

Halkan hoose ka daawo wararkii u dambeeyay iyo Waraysiga Maxaabiista iyo Gaadiidka Ceerigaabo la keenay:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.