100 Dal oo Ballan-qaaday Lacag Deynta lagaga Khafiifinayo Dalka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- In ka badan 100 dal oo xubno ka ah IMF ayaa ballan-qaaday inay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga khafiinayo Soomaaliya, sida ay maanta sheegtay IMF.

Ballan qaadkan ayaa u ogolaanaya Soomaaliya inay hesho lacag cusub oo dalka lagu caawinayo.

Soomaaliya oo lagu leeyahay deyn gaadheysa $5.3 bilyan, ayaa waxaa deynta looga khafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida.

Maal-gelinta maanta loo ballan qaaday, ayaa Soomaaliya usii dhoweyneysa inay hesho ansixinta kama dambeysta ah, taasi oo si weyn u yareyn doonta deynta guud ee lagu leeyahay, una ogolaaneysa inay hesho kheyraad cusub oo lagu billaabo kobaca dhaqaala dalka iyo yareynta saboolnimada, sida ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva.

“Tani waxay si cad u muujineysa in xubnaha IMF ay garowsan yihiin ballan-qaadyada xooggan ee joogtada ah ee Soomaaliya ay ku sameyneyso is-beddelo maaliaydeed, inkasta oo ay jiraan caqabado badan,” ayey tidhi.

Guddiyada fulinta IMF iyo Banka Adduunka ayaa horaantii bishan ansixiyey in Soomaaliya ay u qalanto in deynta looga cafiyo barnaamijka HIPC ee dalalka ay saaran tahay deyn ka tan weyn.

Si ay ugu guuleysato ansixinta rasmiga ah, Soomaaliya waa inay sii waddaa in ay muujiso hanaan maaliyadeed lagu qanci karo, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka IMF ay dusha kala socoto.

Go’aanka kama dambeysta ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in IMF ay gaadho bisha March dabayaaqadeeda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.