Somaliland: Wasiir Qambi oo Raalligelin Ka Bixiyey eedayn uu Ku Duray Shirkad Ganacsi

Hargeysa (Aftahannews)–Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa raaligalin ka bixiyey eedii uu ujeediyey shirkadda shiidaalka ee HASS petroleum.

Wasiirka ayaa marka uu raaligalinta bixinayey waxa ka garab fadhiyey gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ay isku deegaanka soo wada jeedaan wasiir Qambi.

Wasiirka ayaa sheegay mar hadii aanu si toos ah u cadeyn karin in ay maalgaliso shirkaddu jabhadaasi Buuhoodle uu raaligalin ka bixiyey hadalkiisii hore.

“maadaama oo aan aniga qudhaydu odhan Karin lacagtan bay HASS ku maalgalisay jabhadda waan ka raaligalinayaa shirkadda hadalkaasi aan hore u idhi.”ayuu yidhi wasiir Qambi.

Sidoo kale, waxa uu ka jawaabay eeddo uga yimid mas’uuliyiinta shirkadda HASS, waxaanu yidhi “Waxaase jira oo xaqiiq ah oo HASS-na codsi iyo tallo ugu jeedinayaa arrin cad oo ku saabsan wixii aan ka hadlay, shalay laba nin baa iga daba hadlay midna Hargeysa ayuu joogay midna Xamar, waxa jira oo xaqiiq ah oo xalay hadlayey nin sheegtay inuu yahay gudoomiyaha HASS ee Xamar, waxaanu sheeganayey inuu yahay gudoomiyihii shirkadda, inkastoo gudoomiye Golaha golaha wakiiladu ii sheegay in aanu ka tirsanayn shirkada ninkaasi, Ninkaasi waxa uu aniga igu yidhi wasiirku lacag buu I waydiistay ka dibna mahayo ayaan ku idhi taas buu nagu haystaa, horta aniga Addis ababa waxa igu dambaysay 2012-kii bishi 2aad,ninkaasna maqalkiisa mooyee wali salaani nama dhexmarin.”

Wasiirku waxa uu shirkadda HASS usoo jeediyey in ninkaasi afka shirkada ku hadlayey uu dhibaato weyn ku hayo Buuhoodle oo hadii uu shirkadda ku jiro iska fogayso.

“Ninkaas Xamar ka soo hadlayey Buuhoodle dhibaato weyn buu ku hayaa oo isaga maalgaliya jabhadda Buuhoodle , ninka sidaas ah inay shirkaddu iska fogaysaa wanaagsan mar hadii uu leeyahay waan ku jiraa “ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, raaligalinta uu wasiirku bixiyey waxa laga yaabaa in laga odayeeyey mar hadii uu garab fadhiyey gudoomiyaha golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo wasiir Saleebaan Cali Toore oo saddexduba Sool iyo Buuhoodle ka soo wada jeedaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.