“Jaamacadaha Dowladdu waxay la Mid Noqdeen Kuwii Ganacsiga loo Furtay, Ubadka Ciidanku ma dhigan karaan..” Xil Siciid Maxamed Cilmi

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha guddi-hoosaadka dabaggalka iyo hantida Qaranka ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa sheegay inaanay Ciidammada Qaranka iyo Shaqaalaha kale ee dowladdu haysan Jaamacado ay Ubadkoodu lacag la’aan amma lacag yar ku dhigtaan, isla markaana jaamacadaha dowladda ee dhaqaalahooda cashuurta Shacabka laga bixiyaa la lacag yihiin kuwa gaarka loo leeyahay, waxaanu soo jeediyey in wax laga qabto dhibaatadaas.

Xildh Siciid Maxamed Xaaji Cilmi ayaa sidaa ku sheegay warbixin uu fadhigii maanta ee Golaha  ka hor jeediyey oo ku aaddanayd waxqabadkii u qabsoomay guddidoodaas muddadii uu goluhu fasaxa ku jiray.

”Aniga oo ku ammaanaya madaxweyne Muuse Biixi hawsha uu geliyey waxbarashada dugsiyada hoose, kuwaas oo uu illaa buugaagtii ka dhigay bilaash, taasina ay ka mid ahayd ballamihii uu xiligii ololihii doorashada. Laakiin, hal meel, ayaa dhibaato ka taagan tahay, taas oo ah mid haddii aynaan gole ahaan ka gaadhin go’aan oo xukuumadda la xallinin noqonaysa mid dulmi ah.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Ardayga uu dhalay qof shaqaale ah oo danyar ahi amma Askari qaranka u taagani, kuwaas oo aynu garanayno waxa mushahar loo siiyo, ardaygaasi marka uu jaamacad soo gaadho wey adag tahay inuu sii wato geeddigiisii waxbarasho, sababtuna waxa weeye waxay ka qaadayaan jaamacaduhu ardaygiiba boqollaal doollar, taasina waa mid sababaysa in duruuf awgeed uu ilmihii halkaa kaga hadho waxbarashadii.”

“Arrintaasnuna waa talo xumo dhexdeena ah sida xaqiiqadu tahay ee waynu u haynaa xalkii iyo dariiqii sahli lahaa inaanu khasaarin ardaygaasu, duruuftaasna waajibkeeda haddii feker iyo go’aan la raaciyo xukuumada ma aha mid ku baaqata daboolista baahidaasu, waxaanay u baahan tahay in hoos loo eego.” sidaa ayuu yidhi Siciid.

Xildhibaan Siciid waxa uu sheegay in dhismaha Jaamacadaha qaarkood iyo dhaqaalaha ku baxaaba yihiin hanti dawladeed, haddana aanay ka duwanayn kuwa ganacsiga loo furtay, waxaanu yidhi; “Tusaale ahaan Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda Camuud ee Boorama, Jaamacadda Burco, Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood iyo Jaamacadda Sanaag ee Ceerigaabo, dhismaha innaga leh, lacagtana innagaa bixinna, weliba hadda sidaas oo ay tahay ayaynu diyaar ula nahay inaynu dhawr million oo dolar aynu gelino wakhtigan.”

“Nasiib-darro, haddana jaamacadahaasi waxay noqdeen kuwo la mid ah kuwii gaarka loo lahaa, hadii aanay ka qaalisanaynba, bal qiyaas jaamacada golis oo ku jirta intaas oo guri oo kiro ah kana bixisa bishii ilaa $ 10,000 oo doolar, ayay tii dawladu lahayd dhaqaalahana la daba taagnayd qiimihii la mid tahay, ma jirto meel ay ka muujiyeen jaamacadahaasu dawladii baahiyaheedii ay xaqa ugu lahayd iyo lahaanshaha ah isla markaana kaga celiyeen, iyadoo kabisna ay weliba ugu dareyso,wax alaale iyo waxay inoo faa’iideeyaana ma jirto, halkaasina waa halkii aynu ka dabooli lahayn shaqaalaha danyarta ah iyo ciidamada ubadkooda, dhaliishaaa iyo denbiga arintaasna waxaan leeyahay inaga ayaa leh, waayo inaga ayay ahayd inaynu go’aamino, talaabooyinkooda sharcina qaadno, waxaana leeyahay waa mid aynaan dhaliisheeda sina uga galgalan karin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Muuqaalkan hoose ka Daawo Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlaya:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.