Ra’iisal Wasaare Khayre: Waa in dib-u-habeyn lagu sameeyaa Caddaaladda Dalka

Muqdisho (Aftahannews)– Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaadhan lagu sameeyo hannaanka caddaaladda Soomaaliya oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.

Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliya, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaadhay dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahanyahay in dib-u-habeynta caddaaladda in lagu dadaalo.

Waxuu Ra’iisal Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan.

Ra’iisal Wasaaraha oo u hambalyeey ciidamada asluubta iyo qoysaskooda ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliya ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliya oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.