UCID iyo Waddani oo Fashiliyey Heshiisyada Shirkii Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo

Hargeysa (Aftahannews):- Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay Xarunta UCID ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay fashilinayaan xogta iyo heshiisyada ay iskula qaateen shir dhawaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhex-maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu kulansiiyey Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Masuuliyiinta UCID iyo Waddani waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu sharcigii dalka ka tallaabsaday, isla markaana doonayo inuu burburiyo labada Xisbi si sharciga baalmarsan, taas oo ay xuseen in aanay aqbali karin, iyaga iyo dadka reer Somaliland toona.

“Maanta waxa muuqata inuu Muuse Biixi u xuubsiibtay kaligii taliye, cagtana saaray wadadii hore loo eeday ee qayrkii iyo janaradii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen, waxa muuqata inuu burburiyey dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee shacabkani tacabka badan ka gallay waxa muuqata inuu mijo xaabiyey qarannimadii yo midnimadii ummada Somaliland oo maanta ku jirta jiho wareer siyaasadeed, waxa muuqata inuu weli xintan iyo xafiiltan uu ka dhigay maamulkii dallka ee loo igmaday, isla markaana uu si badheedh ah u jabiyey dastuurkii iyo xeerarkii dalkani lahaa.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

Waxa kale oo uu ku baaqay in sanadkan la qabto doorashooyinkii golaha Wakiilada, golaha Deegaanka iyo ta madaxtooyada oo laga soo hormariyo wakhtigeedii maadaama oo uu ku fashilmay hogaankii dalka. “Labada xisbi qaran waxay xalka iyo badbaadinta Somaliland u arkaan in doorasho madaxtooyo oo xilligeedii laga soo horumariyo ka qabsoonto dalka sanadkan gudihiisa, maadaama oo uu ku fashilmay hogaaminta dalka.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey Madaxweyne Biixi inuu yahay khaayinul-waddan; “Wuu ka tagay madaxtinnimo iyo sharci, waxaan u sheegayna in aanu madaxweyne noqonayn ee uu Muuse Biixi noqonayo, hadii uu yidhaahdo UCID iyo WADANI baan baabi’inayaa aan mudadoodii gaadhay oo shaadh isaga leeg uu tosho, waxaanu leenahay madaxweyne nooma tihid, mudada la siiyey hadii uu gar ku qaadan weaayo madaxweyne noqon maayo cashuur uu qaadanayaana ma jirto waa khaayin Muuse Biixi, Dalkii Wuxuu Ku Iibiyay 45-Minute, Waynu Iibsannaha, afkiisa iyo uurkiisuna isma laha, sidii dawladii Afweyne ayaa lagu ridaya oo adigoo qawan baad ka baxaysa”.

Waxay UCID iyo Waddani ku eedeeyeen Madaxweyne Biixi inuu burburiyey sharcigii dalka, isla markaana adduun dhaafsanayo qarannimada iyo gooni-isu-taagga Somaliland. Warka labada Xisbi ee Waddani iyo UCID oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.