Shiinaha: Wiil diiday Inuu cudurka Coronavirus Geeyo Qaraadda Afrika

Hargeysa, (Aftahannews)-Markii uu cudurka Coronavirus ku dhacay Kem Senou Pavel Daryl, oo ah arday u dhashay Cameroon oo wax ka baranayay gudaha Shiinaha, isagu ma uusan damcin inuu ka tago Shiinaha, xitaa haddii ay suurtagal u ahaan lahayd.

“Wax kasta oo dhaca ma aanan dooneynin inaan cudurkan u qaado qaaradda Afrika”, ayuu yidhi wiilkan 21 jirka ah, oo hadda qeybta jiifka ee jaamacaddiisa ku karantiilan 14 maalmood.

Wuxuu aad ula xanuunsanaa qandho, qufac qallalan iyo calaamado u eg hargab.

Markii uu xanuunka hayay wuxuu dib u xasuustay xilligii isagoo yar oo jooga Cameroon ay ku dhacday malaria. Wuxuu ka cabsi qabay inay xaaladdiisa kasii darto.

“Markii ugu horreysay ee aan aadayay cusbitaalka waxaan ku fikirayay in la gaaray wakhtigii aan dhiman lahaa iyo sida ay geerideyda u dhici doonto”, ayuu yidhi.

Muddo 13 maalmood ah waxaa lagu go’doomiyay isbitaal ku yaalla Shiinaha. Wuxuu lagu dabiibayay dawooyin qallajiye ah iyo dawooyinka kale ee loo isticmaalo bukaannada qaba cudurka HIV. Labo isbuuc kaddib wuxuu billaabay inuu soo caafimaado.

Baaritaankii lagu sameeyay waxaa looga waayay astaamo muujinaya cudurka. Wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo inta la ogyahay uu cudurkan ku dhacay, durbana ka caafimaaday.

Masar ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrika ka tirsan oo laga xaqiijiyay kiis ka mid ah cudurka Coronavirus.

Khubarada caafimaadka waxay ka digayaan in dalalka nidaamkooda caafimaad uu liito ay dhibaato weyn kala kulmi karaan la tacaalista cudurkaas, haddii uu ka dillaaco.

Coronavirus wuxuu ilaa hadda dilay dad ka badan 1770 ruux, halka uu haleelay qiyaastii 72,000 oo ruux, kuwaasoo badankood uu kula dhacay gudaha Shiinaha.

“Ma doonayo inaan dalkeyga hooyo ku laabto ilaa inta aan waxbarashadeyda ka dhammeysanayo. Waxay ila tahay inaysan jirin sabab aan waddankeyga ugu noqodo, waayo dhammaan kaharashkii ku baxay daweynteyda waxaa bixisay dowladda Shiinaha, ayuu yiri Mr Senoua.

Tan iyo dabayaaqadii bishii January, dowladaha caalamka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka, waxay muwaadiniintooda kasoo daad gureynayeen magaalada Wuhan iyo deegaannada kale ee ku dhow dhow.

Laakiin kumannaan arday oo kasoo jeeda Afrika, shaqaale iyo qoysas ayaa ku xanniban magaalooyinka ku yaalla bartamaha gobolka Hubei – cudurkuna wuxuu ka dillaacay magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Wuhan.

Qaar ka mid ah dadka Afrikaanka ah waxay aamisan yihiin in dowladahoodu ay ka gaabiyeen inay caawiyaan.

“Waxaan nahay wiilal iyo gabdho reer Afrika ah laakiin Afrika uma soo jeeddo inay na badbaadiso annagoo aad ugu baahan”, ayey tiri Tisiliyani Salima, oo ah arday Afrikan ah oo cilmiga dhakhtarnimada ka barta jaamacad ku taalla Shiinaha, ahna madaxweynaha ururka ardayda dalka Zambia ee magaalada Wuhan.

Muddo ku dhow hal bil Ms Salima oo 24 jir ah waxay ku nooshahay meel ay si iskeed ah isugu karantiishay.

Shiinaha hadda waa dalka iskaashiga ganacsi ee ugu weyn la leh qaaradda Afrika, xiriirka labada dhinacna wuu sii xoogeysanayay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Sidaas awgeed Shiinaha wuxuu hoy u noqday 80,000 oo arday Afrikaan ah, kuwaasoo aqoon kala duwan ka barta jaamacadaha dalkaas.

Kuwo badan oo ka mid ah waxay ka faa’iideysteen barnaamijyo deeqo waxbarasho ah.

30-kii bishii January jaaliyadda reer Cameroon ee dalka Shiinaha ayaa madaxweynaha waddankooda u diray warqad ay uga codsanayeen in lasoo daad-gureeyo muwaadiniinta dalkaas ee ku xayiran gudaha Shiinaha, xilli uu cudur halkaas ka dillaacay.

Dhowr isbuuc kaddib, Dr Pisso Scott Nseke, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha bulshada ee ku sugan magaalada Wuhan wuxuu sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan codsigooda.

Balse wuxuu qiray in bulshada oo dhan aysan ka mideysneyn go’aanka ku saabsan dib u laabashadooda.