Wenger:“Man City Way U  Qalmaan In Laga Mamnuuco Champions ”

Tababarihii hore ee Arsenal ayaa ku dhaleeceeyay Man City qiyaanada dhaqaale ee ay ku noqdeen koox weyn tan iyo markii ay la wareegeen milkiilayaasha reer Abu Dhabi.Wenger ayaa awoodi waayay inuu Man City ka ceshto ciyaartoydiisa sida Emmanuel Adebayor, Bacary Sagna Gael Clichy, Kolo Toure iyo Samir Nasri kuwaasoo ka tagay Emirates una wareegay Etihad.

Haatan ninka reer France ayaa sheegay in City aysan wax qabasho ah ka keeni kari ciqaabta la duldhigay ka dib markii ay ku xadgudbeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub.Wenger ayaa yidhi: “Waxaan mar walba u ololeyn jiray in la koontaroolo sharciyada dhaqaalaha iyo in kooxaha ay ku shaqeeyaan lacagta sida dabiiciga ah u soo gasha.“Sharciyada waa sida yihiin, waana inaad ixtiraamto.“Haddii aan ixtiraam loo heynin sharciyada markaas ma jiro isboorti sax ah… Champions League waxaad ka qeybgeli kartaa kaliya marka aad ixtiraameyso sharciyada“Haddii aysan dadku ixtiraameynin sharciga, islamarkaana lagu qabto iyagoo baal maraya waa in la ciqaabo“Haddii run tahay inay si ku talogal ah u sameeyeen, waa in la ciqaabo“Waxay iibsadeen dhamaan ciyaartoydeyda“Isboortiga waa inaad isku daydo inaad badiso adigoo sharciga ixtiraamaya. Waa sida ay tahay.”