Bur-Saliid oo ka Hadlay Xogta ku Lammaan In Abiy Ahmed isu soo dhaweeyo Soomaaliya iyo Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Ra’iisul-wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa wada isku day uu ku doonayo inuu ku heshiisiiyo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inay ka go’een Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Abiy Ahmed ayaa doonayey inuu Magaalada Hargeysa geeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse wuxuu isku daygaan kusoo dhamaaday guuldaro markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu si qaxayan u diiday .

Muuse Biixi ayaa sheegay in aannu marnaba ogolaaneyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa si adag uga horyimid safarkaasi la sheegay ee Farmaajo, isagoona ku sheegay wax aan la aqbali karin in uu Farmaajo yimaada Somaliland, isagoo sheeganaya Madaxweyne.

Haddaba Prof Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah aqoonyahan falanqeeya Arrimaha Gobolka ayaa sheegay inuu Abiy Ahmed arrintaan ka lahaa dano siyaadeed xilli uu wareysi siinayey idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga.

Bursaliid ayaa tilmaamay inuu ugu horeyn Abiy Ahmed ka lahaa arrintaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii muranka badan ka dhashay ee Dekadda Berbera kaasoo ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyadoo ay saami ku laheyd Itoobiya.

“Heshiis labada dhinac dhex mara waa mid u xaglinaya in la xalaaleeyo heshiiskii Berbera ee shirkadda imaaraadka ee DP World, si Itoobiya ay u hesho saamigeedii ahaa 19%”, ayuu yiri.

Sidoo kale Prof-ka ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu arrintaan ka lahaa dano shakhsiyadeed.

“Abiy Axmed wuxuu rabaa in heshiiskaas uu ku adkeysto billaddii nabadda adduunka ee uu qaatay, isagoo raba inuu wali usii muuqdo inuu yahay hoggaamiye cusub oo geeska Afrika ah, oo nabad doon ah”.

Prof Bursaliid ayaa tilmaamay inuu Abiy Ahmed sidoo kale doonayey inuu arrintaan ka dhigto ololo siyaasadeed si uu codka uga helo dadka caalamiyiinta ah ee aaminsan goboleysiga iyo wax lamid ah.

“Waa heshiis uu rabo inuu doorashada Itoobiya ka dhaceysa August 2020 cod uga helo dadka caalamiyiinta ah ee aaminsan goboleysiga iyo wax lamid ah, waa heshiis uu rabo inuu kusii xoojiyo qorshihii isdhex galka ahaa ee uu watay”, ayuu yidhi Bursaliid.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.