Saraakiishii SNM Oo Ku Baaqay In Aannu Madaxweyne Farmaajo Soo Cago-dhigan Karin Somaliland

Hargeysa, (Aftahannews)-Qaar ka mid ah Saraakiishii ururkii SNM iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta ka hadlay safar la sheegay inay suurt-gal tahay inuu Hargeysa ku tago Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 https://youtu.be/_6-_WsZGXyU

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa shalay sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu doonayo inuu booqasho ku yimaado magaalada Hargaysa isaga oo ay wada socdaan Farmaajo.

Xubnaha maanta shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaysan aqbali karin in madaxweyne Farmaajo uu yimaado magaalada Hargeysa, ayada oo aan la xalin dhibaatooyinkii dhacay ee loo gaysta dadka Somaliland.