Haweenay 101 Jir Ah Oo Ka Hadashay Darisnimaddii Iyo Hitler

Hargeysa, (Aftahannews)- Alice Frank Stock oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inay deris la noqotay hoggaamiyihii Naasiyiinta Adolf Hitler mar ay degganeyd magaaladda Munich ee Jarmalka.

  Haweenayda ayaa u sheegtay wakaalada SWNS inay deris la ahayd Hitler oo ay wada daganaayeen wadada Prinzregent-Platz billowgii siddeetameeyadii qarnigii hore.

“Dabaqa, waxa uu lahaa laba meel oo laga soo galo, mid innaga ayaa adeegsan jirnay, midka kale ma xusuusto tirsigiisa laakiin waxaa ku noolaa Hitler,” ayay tidhi Alice.

Waxay intaa raacisay “Waxaan arkay hal jeer, waxaan filayaa in uu laba jeer guriga ku soo laabtay.”

Iyada oo tilmaameysa cabsida uu qabay Hitler, haweenayda 101 jirka ah ayaa sheegtay in ciidamo gaar ah ay la socdeen markasta.

 “ Mar waxaan xusuustaa laba kamid ah ciidamadiisa gaarka ah ay u kala dhaqaaqeen dhinacyada wadada islamarkaana Hitler uu ku cararay guriga isaga oo naxsan oo ka baqaya in uu dilo qof innaga mid ah.”