Dawladda Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Khariirad Laga Saaray Somaliland Iyo Xogaha Ku Lammaan

Addis-Ababa (AftahannewsRa’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka ku baahiyey khariidad yaab leh oo muujineysa Soomaaliya oo laga jaray gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Khariidaddan ayaa Abiy Ahmed wuxuu Itoobiya ku muujinayaa midabka cagaaran, hase yeeshee waxaa ka muuqda Soomaaliliya oo laga jaray gebi ahaan gobollada waqooyi ee Somaliland.

Waxaa la socda farriin kooban oo afafka amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “xoriyadda dalkeena, barwaaqada dalkeena.”

Ka sokow in khariidaddan Soomalaiya laga jaray gobollada Waqooyi, haddana sidoo kale kama muuqdaan guud ahana gobollada Somaliland, oo waa meel iska maran.

Dadka qaar ayaa taas ku macneeyey in Abiy aamisan yahay in Somaliland aysan ka mid ahayn Soomaaliya, balse aysan qoonsi haysan, sidaas darteedna uusan u muujin.

Lama yaqaan sababta uu Abiy u sameeyey sidan, hase yeeshee waxa kaliya ee laga fahmi karo ayaa ah waxa uu ka aaminsan yahay Soomaaliya iyo siyaaddiisa ku wajahan.

Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii tegay roogga cas u fidisay, islamarkaana dhinac dhigtay calanka Somaliland, markii ay soo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ma ahan markii koowaad ee Abiy Ahmed iyo dowladdiisa ay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo qarannimada Somaliland.

Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa 26-kii May 2019 la soo dhigay map ama khariidad si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Khariidaddaas oo aheyd tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya.

Khariidadda cusub ee maanta uu baahiyey Abiy Ahmed ayaa twitter-ka lasoo dhigay 4:38 pm xilliga Muqdisho, hase yeeshee laga saaray 5:30 pm kadib markii carro xoogan ay ka dhalatay oo Soomaali badan ay qoraallo ka dhan ah ku muujiyeen twitter-ka.

Tweet-kaas ayaa sidoo kale ahaa mid pinned ah, oo meesha sare lagu dhajiyey si qoraalalda ka dambeeya ay mar walba uga kor ahaato.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Abiy Ahmed ka dhigtay saaxiibkiisa koowaad, wuxuuna rumeysan yahay inuu yahay ninka bad-baadin kara Soomaaliya.