Somaliland: Golaha Guurtidu Muxuu Ka yidhi in Madaxweyne Farmaajo Hargeysa Imanayo?

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Ka Hadlay Hadal-haynta 24-kii saac ee u dambeeyey Baraha Bulshada aad loogu faafinayey oo sheegaysa in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Md. Farmaajo imanayo Hargeysa.

Guddoomiye Saleebaan oo hadal ka jeediyey Fadhigii Axadda maanta ee Guurtida, ayaa sheegay in Farmaajo uu dabada ka wado Ra’iisal-wasaaraha federaalka Itoobiya Abiy Ahmed, oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin isu haysta inuu Qaramada Afrika hoggaamiye u yahay.

Haddaba, hadalka Guddoomiyaha Guurtida Somaliland arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.