Boosaaso: Dablay Hubaysan oo Weeraray Taliye Booliska Puntland Ka Tirsan & Khasaara ka dhashay

Boosaaso (Aftahannews)- Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay rasaas ku fureen Taliyaha Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Boosaso Col. Cumar Warsame Ciise xilli uu ka soo baxay masaajidka Faadumo ee magaaladda Boosaaso xiligii salaada Jimcaha.

Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaadhay rasaatii ay dableydu ku fureen. Waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay ruux shacab ah oo ka ag dhowaa halka weerarku ka dhacay, waxaana dhaawacyada lagu dabiibayaa isbitaallada magaaladda Boosaaso.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxdii weerarka geysatay ay ka baxsadeen goobta ay weerarka ka fuliyeen.

Laba cisho ka hor ahayd markii ay kooxo hubeysani ay dhaawac u geysteen guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Bari Mustafe Axmed Aadan.

Laamaha ammniga ee Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdooyinka soo noqnoqday ee ka dhaca goobaha ay bulshadu ku badan tahay ee magaaladda Boosaaso, mana jirto ilaa imika cid loo qabtay oo maamulka Puntland ay shaaciyeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.