Faah faahin: Dagaal ka dhacay maanta magaalada Kismaayo

Kismaayo (Aftahannews)- Dagaal culus oo is-rasaaseyn kooban ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ku dhex martay ciidamada amniga Jubaland iyo kuwa taabacsan Cabdinaasir Seerar, oo hore u sheegtay in uu yahay madaxweyne.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday kadib markii ciidamada Jubbaland ay rasaas ku kala eryeen dibadbaxayaal taageersanaa Cabdinaasir Seeraar, kadibna halkaasi waxaa ka bilowday dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidamada jubbaland iyo kuwa Seeraar.

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin waxay sheegayaan in ciiddanka Jubbaland ay wearareen saldhiga ciiidanka Cabdinaasir Seeraar, halkaas oo lagusoo waramayo inuu haatan dagaalku ka socdo.

Waxaa uu dagaalkan kusoo beegmay, iyadoo saaka Magaalada Kismaayo Kismaayo ahayd Bandow laguna waday inay halkaas tagaan safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoota iyo taliyaha ciiddanka Maraykanka Afrika ee (Africom)

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana uu dagaalku ka socdaa dhinaca waqooyi ee magaalada, halkaas oo ay ka dhowdahay xarunta madaxtooyada Jubbaland.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.