Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Wadahadal Waqti Qaatay Ku Dhex-maray Addis Ababa

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND FARMAAJO IYO MUUSE BIIXI OO ITOOBIYA KU KULMAY 2020
MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND FARMAAJO IYO MUUSE BIIXI OO ITOOBIYA KU KULMAY 2020

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND FARMAAJO IYO MUUSE BIIXI OO ITOOBIYA KU KULMAY 2020
MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND FARMAAJO IYO MUUSE BIIXI OO ITOOBIYA KU KULMAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ilo lagu kalsoon yahay oo ay la hadashay idaacadda VOA ayaa noo xaqiijiyey inay labada hoggaamiye ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Illaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen. Waxaa wararku ay sheegayaan in kulankoodu uu qaatay 40 daqiiqo ilaa hal saac.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda keliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale ee wafdigooda.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.

Xigasho VOASomali.com.