Somaliland: Golaha Guurtida oo Isla Qaatay in La Soo Gola-joojiyo Wasiirka Caafimaadka iyo Sabta!

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Soo Jeediyey in Ajandaha Kalfadhigooda lagu Daro u Yeedhista Wasiirka Caafimaadka, Ka Diyaar-garawga Cudurka Shiinaha Dadka Badnai ugu Dhinteen, Ka Hadalka Maandooriyaha iyo Qodobbo kale.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida oo uu guddoominayey Guddoomiyaha golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan,, ayey Mudanayaashu ku ansixiyeen qodobbada Kalfadhiggooda, isla markaana waxay isla qaateen in qodobbada ugu horreeya ee Ajandaha laga dhigo in loo yeedho Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland, si looga waraysto qorshohooda ka hortag, dawayn iyo caafimaad iyo weliba cudurka aan hore loo arag ee dalka Shiinaha Dadka badani ugu dhinteen oo la sheegay inuu soo gaadhay dalalka Kenya, Itoobiya iyo kuwo kale oo Afrika ah.

Haddaba, Warka golaha Guurtida Somaliland oo faahfaahsan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.