Uganda oo Kumannaan Askari iyo Diyaarado u Diyaarisay La-dagaallanka Ayax Ku Habsaday

AYAX LAGULA DAGAALLAMAYO UGANDA 2020
AYAX LAGULA DAGAALLAMAYO UGANDA 2020

Kampala(aftahannews):- Inta badan dadka Uganda ma xasuusan karaan xilligii ugu dambeysan ayax duullaan ah. Markii ugu dambeysay ee dalkaas Uganda lagu arkay waxay ahayd 1960-kii.

AYAX LAGULA DAGAALLAMAYO UGANDA 2020
AYAX LAGULA DAGAALLAMAYO UGANDA 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddana, maamulka waxay sheegayaan in istiraatijiyad aad u fiican ay u diyaarsadeen si loo baabi’iyo ayaxa duullaanka ah. Saacado gudahood, ka dib markii ayax lagu arkay waqooyiga bari ee Uganda, ra’iisul wasaaraha dalkaas wuxuu qabtay kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin iyo khubaro.

AYAX KU HABSADAY UGANDA 2020
AYAX KU HABSADAY UGANDA 2020

Dowladda waxay dooneysaa in ciidamada ay laf-dhabar u noqdaan qorshahan, waxaana rabtaa in illaa 2,000 oo askeri laga horgeeyo ayaxa saameeyay dalalka Bariga Afrika ee duullaanka ah.

Waxaa Askartaas la bari doonaa sida sunta loogu buufiyo iyadoo qalab casri ah ama gacanta la adeegsanayo. Sida ugu wanaagsan ee loola dagaallamo ayaxa waa in hawada laga buufiyo, laakiin Uganda ma haysato diyaaradaha iyo kiimikada loo baahan yahay.

UGANDA AYAX 2020
UGANDA AYAX 2020

Waxay hadda wadahadal kula jirtaa Kenya, si ay uga amaahato qaar ka mid ah diyaaradaheeda. Laakiin, dalkan Uganda deriska la ah wuxuu haystaa tiro yar oo diyaaradahaas ah, waxayna Kenya weli la daalaa dheceysaa xakameynta ayaxa.

Sidoo kale, dalka Tanzaniya, wuxuu si rasmi ah loo xaqiijiyay in ayaxa saameeyay Geeska iyo Bariga Afrika uu hadda gaaray waddankaas.

Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee FAO waxay horey u sheegtay in ayaxa uu halis weyn ku yahay gobolka, uuna maalin kasta cunayo ku dhowaad dhammaan dalagii beeraha.

Gudoomiyaha Gobolka Kilimanjaro ee Tanzaniya, Anna Mgwira, waxay BBC u xaqiijisay in ayax aad u badan lagu arkay tuulooyiinka u dhow Moshi, ee ah nawaaxiga Gobolka Kilimanjaro.

Waxaa la aaminsan yahay in ayaxaas uu ka gudbay xuduudda Kenya ay la wadaagto Tanzaniya. Saraakiisha gobolkaas Kilimanjaro waxay tilmaameen in ay isu diyaarinayaan in si degdeg ah ay ugu jawaabaan ayaxa, kaas oo cabsi ku beeray beeraleyda dalkaas oo ka walaacsan in dalaggooda uu cagta mariyo ayaxan weerarka ah.

Si kastaba, illaa iyo hadda, wasiirka beeraha ee dalkaas Tanzania wuu diidan yahay in uu xaqiijiyo in dalkaas lagu arkay ayax.

Sida ay hay’adda FAO sheegtay, ayaxa wuxuu horey u soo baabi’iyay 175,000 oo ekar oo beero ah oo ku yaalla Soomaaliya iyo Itoobiya halkaas oo dhammaadkii December uu soo maray. Ayaxaas wuxuu maalintii cunayaan laba tan oo dalagga beeraha ah.

FAO waxay ka digeysaa in ayaxa oo ah kii ugu darnaa muddo rubuc qarni ah uu baabi’in doono dalagga beeraha ee inta badan gobolkan Bariga Afrika.

Xigasho BBCSomali.com.