Taliyaha Qaybta Booliska Awdal oo Shaaciyey inay Garanayaan Cidda ka Dambaysay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Boorama Ku Yaal

Boorama(Aftahannews):- Talilyaha Qaybta Booliska Gobolka Awdal, ayaa Ka Hadlay Cidda ka Dambaysay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Magaalada Boorama, waxaanu sheegay inay Dhalinyarada weerarkaas geystay oo ay aqoonsadeen cidda ka dambaysa iyo sababta ay waxaa u samaynayaanba tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Col-haye Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Awdal oo waraysi gaar ah siiyey Weriyaha Baddacas24TV ee Awdal Jamaal Cumar Tubeec oo ku booqday Xafiiskiisa magaalada Boorama Axaddii shalay, ayaa sheegay inay cidda weerarka rasaasta ah Niskii dambe ee Habeen-hore ku qaaday Saldhigga Booliska Boorama ay ku daba-jiraan.

Haddaba, Taliye Col-haye oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.