Ujeeddada Safar Madaxweyne Biixi & Wafti uu Hoggaaminayaa ugu Baxeen Dalka Itoobiya

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SAFAR UGU BAXAY DALKA ITOOBIYA 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SAFAR UGU BAXAY DALKA ITOOBIYA 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee Axadda maanta u baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulammo kula qaadan doono Masuuliyiini kala duwan.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SAFAR UGU BAXAY DALKA ITOOBIYA 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SAFAR UGU BAXAY DALKA ITOOBIYA 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa si kooban uga hadlay ujeedka Safarka Madaxweynaha iyo waftigiisa, waxaanu yidhi; “Waxa uu Madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed.”

AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD WARSAME JAAMAC 2020
AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD WARSAME JAAMAC 2020

Waxa uu Afhayeenka Madaxtooyadu sheegay in safarka madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO U BAXAYA EHTIOPIA 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO U BAXAYA EHTIOPIA 2020

“Safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooayda Somaliland Maxamuud Warsame.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.