Maxay Daarran yihiin Shirka uu Madaxweynaha Puntland Ku Baaqay iyo Eedaynta Dowladda Soomaaliya u Jeediyey?

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHIR KAGA DHAWAAQAY BOOSAASO 2020
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHIR KAGA DHAWAAQAY BOOSAASO 2020

Garoowe(aftahannews):- Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha maanta Shir wada-tashi ah kaga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas uu sheegay in lagaga arrinsanayo aayaha Puntland iyo sidii ay mowqif midaysan uga qaadan lahayd dowladnimada Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHIR KAGA DHAWAAQAY BOOSAASO 2020
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHIR KAGA DHAWAAQAY BOOSAASO 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay shirkaas inuu Garowe ka qabsoomidoono 15-ka bisha saddexaad ee sanadkaan, ayna kasoo qeyb galidoonaan golayaasha Puntland, wakiilada Puntland u matala dowladda federalka Soomaaliya iyo cid walba oo talo ku leh masiirka Puntland.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND SICIID CABDILLAAHI DANI IYO GOLIHIISA WASIIRRADA OO BOOSAASO SHIR KAGA DHAWAAQAY 2020
MADAXWEYNAHA PUNTLAND SICIID CABDILLAAHI DANI IYO GOLIHIISA WASIIRRADA oo SHIR KAGA DHAWAAQAY 2020

Madaxweyne Deni, waxa uu sheegay inay heshiis adag ka gelidoonaan qadiyada dowladnimada Soomaaliya oo aysan cidina ku xadgudbi Karin. Wuxuu tilmaamay in quus laga taagan yahay rajada dowlanimada Soomaaliya.

“Waxaa nagu qasbay inaan maanta hadalno, aamuskeenii ayaa loo qaatay inaan raalli ku nahay sida ay wax u socdaan, marka Puntland inay caddeyso in aanay raalli ka ahayn waxa socda ayaan u muujinaynaa ummadda Soomaaliyeed,’ ayuu yidhi Deni.

GOLAHA WASIIRRADA IYO MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO BOOSAASO KU SUGAN 2020
GOLAHA WASIIRRADA IYO MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO BOOSAASO KU SUGAN 2020

Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay dhaqaalihii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ku burburinayso dagaalka dhinaca saxaafada ee ay kula jirto cid walba oo diidan sida ay wax ku socdaan.

Waxaa madaxweyne Deni markii ugu horeysay uu ka hadlay khilaafka dhinaca waxbarashada, waxaana uu sheegay in aysan Puntland uga baahnayn dowladda Soomaaliya wax shahaado ah.

“Waxaan la leeyahay shahaadada qaranka wax ka jiraa ma jiraan. Wax qaran uu bixiyo oo la wada leeyahay waa Passport-ka. Puntland iyadaa masuul ka ah masiirka ardaydeeda, waligeed iyadoo dowlad Soomaaliyeed aanay jirin ayay ardayda Puntland waxbarasho u aadi jireen dalka dibadiisa, iyadoo aan lagu xirin shahaado qaran.” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay hadalada Wasiirka waxbarashada Soomaaliya uu kasii daayay saxaafada ay umuujinayaan sida ay dowladda federalka u doonayso in dalka ay ka maamusho Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.