Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka oo Xilka Qaadis Ka Badbaadiyey Madaxweyne Trump

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO BURIYEY DACWADDII XILKA QAADISTA TRUMP 2020
AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO BURIYEY DACWADDII XILKA QAADISTA TRUMP 2020

Washington(aftahannews):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ka badbaaday xil ka qaadis ay la damacsanaayeen siyaasiyiinta xisbiga dimuqraadiga ah ee aqalka Kongreska hoggaamiya, ka dib markii lagu waayay wax dembi ah.

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO BURIYEY DACWADDII XILKA QAADISTA TRUMP 2020
AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO BURIYEY DACWADDII XILKA QAADISTA TRUMP 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Golaha Sare ee Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaanno Senetka oo ay ku badan yihiin xildhibaanada xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga, ayaa 52 waxay u codeeyeen in aanu wax dembi ah gelin, halka 48 Xildhibaan oo u badan Xisbiga dimuqraadiga u codeeyeen in Madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga, xilkana laga qaado, waxaana sidaa ku guulaystay Xildhibaannada Jamhuuriga, waxaana sidaas ku burtay dacwadda maamuus ka xayuubinta ahayd ee loo haystay Madaxweyne Donald Trump.

Haddii ay dhici lahayd in Trump lagu helo dembiyada lagu soo eedeeyay, waxay noqon laheyd in madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence uu sii hogaamiyo Mareykanka.

Aqalka hoose ee Baarlamaanka Maraykanka ee Kongreska oo ay ku badan yihiin siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ayaa mar hore u codeeyay xil ka qaadista madaxweyne Trump, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu sharciga jebiyay. Haseyeeshee, waxaa muuqata inaanay taas ku guuleysannin.

Madaxweyne Donald Trump oo markale doonaya in uu u tartamo doorashada Madaxtinnamada Maraykanka oo qabsoomaysa dhammaadka sannadkan 2020-ka, waxaanu noqonayaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee ka badbaada xil-ka-qaadis, ka dibna isu soo sharraxa doorasho. Waxaanu Trump waxba kama jiraan ka soo qaaday eedeymaha loo jeediyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo, ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu madaxweynuhu diiradda saari doono sidii uu hawlaha Qaranka uga shaqeyn lahaa. “Wax-matarayaasha Dimquraadigu way ogyihiin in aanay iga adkaan karin.” ayaa lagu yidhi qoraalka Aqalka cad ka soo baxay.

Mitt Romney oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Sare ee Xisbiga Jamhuuriga, ayaa noday Xildhibaanka keliya ee ka codeeyay Madaxweyne Donald Trump, kuna waafaqay Xisbiga dimuqraadiga Dacwaddan burtay.

Inkastoo xisbiga dimuqraadiga ahi uu ku rejaweynaa in siyaasiyiin badan oo dhinaca kale kasoo jeedaa ay arrintaas ku waafaqi doonaan, haddana taasi may dhicin, oo waxaa intooda badan ay la safteen sidii loo badbaadin lahaa Trump iyo sumcadda xisbiga Jamhuuriga.

Qaar ka mid ah xildhibanaada xisbiga Jamhuuriga ayaa madaxweyne Trump ku eedeeyay hab dhaqan aan wanaagsaneyn, balse waxaa ay shegeen in taas aanay gaadhsiisaneyn heer xilka lagaga qaado.

In xilka laga qaado Trumpa, ayaa waxaa loo baahnaa saddex meelood laba meelood oo ka dhigan 67 Xildhibaan, balse tirada ka codeysay waxay gaadheen 48 mudane oo keliya.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa walaac ka muujiyay xilka ka qaadista Trump uu ka badbaaday, waxaanay shegeen inay khatar ku tahay dowladnimada Mareykanka.

Afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa sheegtay in Trump uu wali khatar ku yahay dimuqraadiyadda Mareykanka, aqalka sarena ay arrintaas iska sahashadeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.