Nuxurka Kulan dhex-maray Wasiirka Beeraha iyo Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa kulan la Qaatay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, waxaanu Warbixin ka siiyey Shaqada Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay sannadkii dhammaaday iyo qorshayaashiisa 2020-ka.

Wasiir Muumin Seed, waxa uu guddiga uga warramay waxa u hirgelay sannadkii tegay Wasaaradda, waxa qabyoobay, caqabadaha ka horyimi iyo qorshaha sannadkan ee dhinaca horumarka wax soo saarka iyo weliba la dagaallanka Ayaxa oo beryahan dambe dalagga iyo xoolo-daaqeenkaba dhibaato ku hayey.

Inkasta oo Kulanka Wasiirka iyo Xildhibaannada Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland dhex-maray albaabbadu u xidhnaayeen, haddana markii ay ka soo baxeen, ayey Warbaahinta faahfaahin ka siiyeen Wasiir Axmed Muumin iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille waxyaabaha ay ka wadahadleen, waxaanannu Warkooda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.