Faysal Cali Waraabe oo Shahaado Siiyey Maayerka Berbera iyo Cidin oo Sheegay inay Siyaasadda UCID ku Shaqeeyeen

Berbera (aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Maayerka Berbera Cabdishakuur Cidin oo uu Shahaado Ku Maamuusay u Soo Jeediyey inay si fiican u Maamulaan Lacag Toddoba Milyan iyo Badh Doollar ah oo Berbera Midawga Yurub ka heshay, waxaanu golaha deegaanka ee Berbera ku ammaanay siday u shaqeeyeen iyo horumarka ay sameeyeen ee Berbera ka muuqda.

Maayerka magaalada Cabdishakuur Maxamuud Xasan  (Cidin), ayaa geestiisa sheegay inay ku shaqeeyeen siyaasaddii Xisbiga UCID, maaddaama oo uu ka mid ahaa Xildhibaannadii golaha deegaanka degmada Berbera laga soo doortay Xisbiga UCID 2012-kii. Waloow uu isla sannad ka dib ka baxay Xisbigaas oo uu ku biiray Xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya.

“Xisbiga UCID baan ka soo baxnay, siyaasaddii Xisbiga UCID baan ku shaqaynay. waxaannu gudannay waajib na saarnaa, waxaanan u mahad-naqayaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo..” Sidaa ayuu yidhi Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin oo goobta Shahaadada uu Guddoomiyaha UCID ku maamuusay hadal ka jeediyey.

Haddaba, Warkaas oo Faahfaahsan iyo hadallada ay Guddoomiyaha UCID iyo Maayerka Berbera ka jeediyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.