Nancy Pelosi oo Madaxweyne Trump Ku hor Jeexjeexday Warqadda uu Khudbaddiisa 2020 Ka Akhriyey

GUDDOOMIYAHA AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA NANCY PELOSI OO JEEXJEEXDAY KHUDBADDII TRUMP 2020
GUDDOOMIYAHA AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA NANCY PELOSI OO JEEXJEEXDAY KHUDBADDII TRUMP 2020

Washington(aftahannews):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Aqalka Kongreska kahor jeediyay khudbadiisa sanadlaha ayaa waxaa uu kaga hadlay waxyaaba badan oo ay kamid tahay dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda Mareykanka, hayeeshee, dhacdo lama filaan ah ayuu kala kulmay Guddoomiyaha golahaas Nancy Pelosi.

GUDDOOMIYAHA AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA NANCY PELOSI OO JEEXJEEXDAY KHUDBADDII TRUMP 2020

Warbaahinta Mareykanka, ayaase haatan u muuqda kuwa ka weecday taxliilinta khudbadaha Trump, kadib markii arrin aanan la filaneynin ay aqalka Kongreska ku dhexmartay madaxweyne Trump iyo afhayeenka aqalka, Nancy Pelosi.

Trump ayaa markii uu dhameeyay khudbadii uu jeedinayay waxaa uu usoo dhaqaaqay goob ka dambeysay oo ay fadhiyeen afhayeenka aqalka kongreska, Nancy Pelosi iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence.

Madaxweynaha oo gacanta ku sitay laba nuqul oo ah khudbadihii uu jeediyay ayaa nuqul kamid ah waxaa uu ku wareejiyay madaxweyne ku xigeenka, Mr Pence, halka nuqulka kalena uu gacanta ka saaray afhayeenka aqalka Kongreska oo markii ay waraaqaha ka guddoontay gacanta usoo taagtay madaxweynaha, si ay u salaanto.

NANCY PELOSI OO DHACDO LAMA FILAAN AH KULA KACDAY MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2020
NANCY PELOSI OO DHACDO LAMA FILAAN AH KULA KACDAY MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2020

Trump ayaa iska dhaqaaqay markii ay Pelosi gacanta usoo taagtay oo ay damacday inay salaanto. Muuqaalada tooska ah ee la baahiyay ayaa laga dheehan karay Donald Trump oo iska indha tiraya salaanta Pelosi.

Pelosi ayaa markii uu Trump ka dhaqaaqay waxaa wajigeeda laga dheehan karay wajigabax iyo inay la yaabtay sababta uu madaxweyne Trump u salaami waayay, waana ay dhoolacadeysay.

MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2020
MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2020

Haseyeeshee markii uu madaweyne Donald Trump dhameeyay khudbadda ayaa Nancy Pelosi waxaa ay jexjeexday waraaqihii ay ku qornaayeen khudbadii uu jeediyay Trump ee uu ku wareejiyay, arrintaas oo dad badan ay la yaabeen.

Pelosi ayaa markii ay waraaqaha jeexjeexda ku hordaadisay miiskii ay fadhiday, waxaana wajigeeda laga dheehan karay caro iyo in aysan ku qanacsaneyn sida uu Trump ula dhaqmay.

Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeya Trump iyo afhayeenka aqalka Kongreska ayaa haatan u muuqda mid kasii daraya, waxaase aan la ogeyn waxa uu sharciga Mareykanka ka qabo hab dhaqanka madaxa, haddii ay u dhaqmaan si aan munaasab ahayn.

Xiriirka u dhaxeeya madaxweyne Donald Trump iyo afhayeenka aqalka Kongreska ma ahayn mid wanaagsan muddooyinkii dambe, waxaana Pelosi ay kamid ahayd dadka uu aadka u dhaliilo Trump.

Pelosi oo katirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay kamid tahay siyaasiyiinta dabada ka riixaya xil ka qaadista Trump, waxaana ay marar badan ku celcelisay in madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka, sidookalena uusan sii ahaan karin mas’uulka ugu sareeya Dowladda Mareykanka.

Sidoo kale, is-diidsiinta Trump ee Salaanta Nancy iyo weji-gabaxa ay kaga jawaabtay iyo khudbaddiisu siday u dhacdayba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.