Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Ka Ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska iyo Shuruud lagu Xidhay

SOMALILAND OO JOOJISAY KA GANACSIGA GAADIIDKA DAB-DEMISKA 2020
SOMALILAND OO JOOJISAY KA GANACSIGA GAADIIDKA DAB-DEMISKA 2020

Hargaysa (aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa soo saaray Wareegto Wasiir oo uu ku mamnuucday ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska, isla markaana waxa uu shuruud ku xidhay cidda soo iibsan karta iyo halka ay u marayso.

SOMALILAND OO JOOJISAY KA GANACSIGA GAADIIDKA DAB-DEMISKA 2020
SOMALILAND OO JOOJISAY KA GANACSIGA GAADIIDKA DAB-DEMISKA 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka oo soo xiganaaya talo soo jeedin uu u soo gudbiyey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa sheegay in ciddii u baahan soo dejinta gaadiidkaasi oggolaasho ka soo qaadato Taliska Ciidankaasi, laga bilaabo taariikhda wareegtadu soo baxday. Wareegto uu ku saxeexnaa Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abbokor Cismaan oo soo baxday galabta, isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews.com, waxay u dhignayd sidatan:-

“Ku:Dhamaan Ganacsatadda  Macradada Gaadiidka                                =Hargeysa=

Ku: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta                             =Hargeysa=

Ku: Wasiirka W.Horumarinta Maaliyadda                                                        =Hargeysa=

OG: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                               =Hargeysa=

OG :Wasiirka W.Ganacsiga, Warshaddaha & Dalxiiska                               =Hargeysa=

OG: Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska                                                             =Hargeysa=

OG: Madaxweynaha J.S.L                                                                                          = Hargeysa

Ujeedo; Gaadiidka Dab-Demiska

Markaan arkay:

Qodobada 20aad iyo 42aad ee Xeerka Wadamarista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013);

Markaan arkay:

Qodobka 25aad Faqradiisa 8aad ee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada (Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee wadanka.

Markaan helay:

Talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka  ee hakinta  soo dejinta & ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno.

Waxaan soo saaray wareetadan

  1. In Gaadiidka Dab-Demiska laga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga 4th April 2020,
  2. Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.” Sidaa ayuu Wasiir Cabdillaahi Abbokor ku yidhi wareegtadiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.