Xubintii u horreysay Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Isu Casilay Khilaafka Jira awgii

XUBNAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND EE MURANKU KA TAAGAN YAHAY 2020
XUBNAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND EE MURANKU KA TAAGAN YAHAY 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Xasan Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa Xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland ee muranka iyo khilaafku muddada ka taagnaa Sharcinnimadooda, ka dib markii ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani kalsoonida kala noqdeen Guddigaas, ayaa gelinkii dambe ee Isniinta si rasmi ah u shaaciyey inuu is-casilay.

XUBNAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND EE MURANKU KA TAAGAN YAHAY 2020
XUBNAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA SOMALILAND EE MURANKU KA TAAGAN YAHAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xasan Yuusuf Ducaale oo ahaa Xubinta uu Xisbiga UCID u soo xulay Guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay inuu u damqaday dalka iyo dadka Somaliland, maaddaama oo khilaaf iyo muran dheeraaday taagan yahay oo Xisbiyada qaar kalsoonida kala noqdeen, sidaa awgeedna aanay jirin cid ay Guddi ahaan u garsooraan oo ay kalsooni ka wada haystaan.

XASAN AXMED DUCAALE OO ISKA CASILAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND 2020
XASAN AXMED DUCAALE OO ISKA CASILAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND 2020

“Aniga oo maskaxdayda iyo maankaygaba qaba, cidina igu qasbin, ayaan go’aansaday maanta oo ay bisha febraayo tahay 3 sannadka 2020-ka, inaanan qayb ka noqon dooninn dimuquraadiyadda Somaliland inay mugdi gasho, waxaanan go’aansaday markaan arkay caqabadaha hor-istaagay doorashooyinka iyo hab-raacii dimuquraadiyadeed, inaan u fududeeyo dadkayga iyo dalkayga oo aanan ka qayb noqon wax wiiqaya doorashooyinka iyo nidaamka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ku soo caano maashay.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Yuusuf Ducaale.

Waxa uu sheegay  Xasan Yuusuf sababta uu isu casilay. “Haddaba, aniga oo tixgelinaya codsigii ka yimi Xisbiyada Qaranka ee ay nagaga codsadeen inaannu xilka Komishanka doorashooyinka qaranka iska casilno, una mahad-naqaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo meel adag iska taagay sharciga, maaddaama oo aanu jirin Xeer uu ku kala diro Guddiga doorashooyinku, ayaan sidaa darted aniga oo ah Xasan Yuusuf Ducaale inaan iska casilo xilka Komishanka doorashooyinka Qaranka ee aan u hayey Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Xasan.

Xasan Yuusuf Ducaale waxa uu u soo jeediyey Xubnaha kale ee Guddiga doorashooyinka inay iyaguna sidiisoo kale isu casilo, waxaanu yidhi; “Waxaan ka codsanayaa Xubnaha Komishanka doorashooyinka ee aannu soo wada shaqaynaynay inay iyaguna u fududeeyaan ummadda reer Somaliland una dhaga-nuglaadaan codsiga, maaddaama oo aanay jirin cid ay doorasho u qabanayaan.”

Guddiga doorashooyinka ee la dhaariyey bilo ka hor markii ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen, ayaa ka koobnaa lix Xubnood, halka ay Xubintii Xisbiga Waddani soo xulay ka qaybgelin ansixinta iyo dhaarinta lixda Xubnood ee kale, sidaa daraaddeedna Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa ku gacan-saydhay Xubnahan ansixintooda, dhaarintooda iyo is doorashadoodiiba.

UCID iyo Waddani, waxay diidmadoodu timi, ka dib markii Xubnaha Madaxweynaha Somaliland soo xulay ku soo daray Cabdirashiid Riyo-raac oo ka tirsanaa Xisbiga talada haya ee Kulmiye, xilna ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee isla Kulmiye ee Axmed-Siilaanyo, kaas oo Madaxweynuhuna ku adkaystay inaanu beddelin, Baarlamaanku aanu waafajin shuruudaha kala reebista xubnaha ee Xeerku waajibinayo, waxaanay xaaladdu faraha ka sii baxday markii isla Riyo-raac laftiisii loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland, isagoo wakhtigan Shir lagu casuumay Guddoomiyeyaasha Komishannada doorashooyinka Afrika oo ka dhacaya dalka Koonfur Afrika ka qaybgalay oo weli ku maqan.

Guddi isugu jirta Culimo iyo Ganacsato reer Somaliland ah oo khilaafka Xisbiyada iyo Xukuumadda ka dhex-taagnaa ee Komishanka ka dhashay dhex-dhexaadin ka galay, ka dib markii ay dhinacyadu kalsoonida siiyeen, ayaa ku taliyey dhammaadkii hore soojeedin dhawr qodob ka koobnayd, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la kala diro lixda Xubnood ee Guddiga doorashooyinka ee khilaafku ka dhashay, in la soo celiyo Guddigii hore ee doorashooyinka si ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka u qabtaan iyo qodobbo kale, kuwaas oo ay Xisbiyada mucaaradku si isku mid ah u soo dhaweeyeen, halka ay Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye iyaguna soo dhaweeyeen, balse dhinaca Madaxweynaha ay qodobbadaasi ka fuli waayeen, sida ay Mucaaradku ku eedeeyeen kulankoodii ugu dambeeyey ee ay ku kala kacaan Madaxda Xisbiyada iyo Madaxweynuhu bishii hore.

Tallaabada Xubintan Komishanka ka tirsanaa maanta ku shaaciyey inuu is-casilay, ayaa horseed u noqon karta in ay Xubno kale oo Guddiga doorashada ka tirsanina is-casilaan, ka dib markii ay Xisbiyada Mucaaradka, qaybaha kala duwan ee Bulshada Dad ka tirsan iyo Beesha caalamkuba ka codsadeen inay is-casilaan, mar haddii saddexda Xisbi laba ka mid ahi kalsoonida kala noqdeen oo aanay hal Xisbi doorasho u qaban karin, iyaga oo Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe shalay sheegay in uu dhaw yahay xalka lagu soo afjarayo muranka ka taagan Komishanka doorashooyinka.

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.