Aqoonyahan Wadooyinka Hareerihiisa Ku Quudiya Boqolaal Derbi-jiif Ah

Dalka Hindiya waxaa ku nool carruur badan oo la dhibtoonaya nafaqa-darro. 40% dadka dalkan waxaa la sheegaa inay dayacaan wax soo-saarka cuntada.

 Si kastaba tiro badan oo carruur ah ayaa ku dayacan waddooyinka dalkaasi, balse nasiib wanaag qaar iyaga kamid ah ayaa la kulmay Chandra Sekhar Kundu oo ah barre sarre oo maadada kumbuyuutarka ka dhiga kuleejka Asansol ee galbeedka Bengal.

Waxa uu ninkaan uu qorsheeyay in uu quudiyo carruurta saboolka ee qaba baahiyaha kala geddisan, Chandra ayaa aas’aasay sannadkii 2016 hay’ad aan faa’iido doon-aheyn oo lagu magacaabo FEED (Waxbarashada Cunnada iyo Horumarinta Dhaqaalaha).

Isaga waxaa ku wehliya hay’adan saaxiibbadiisa gaarka ah kuwaasi oo caawinaad u fidinaya dadka taagta darran xittaa waxay diideen qaadashada lacago ay u arkaan inay ka imaaneyso shaqsiyaad kale balse waxay go’aansadeen inay jeebkooda ka jaraan.

Mar uu la hadlayay Outlook India, Chandra ayaa yidhi: “Uma imaan in aan lacag sameeyo, dadka hantidooda ma dooneyno. Xubnaha FEED waxay dareensan yihiin in aysan u baahneyn cunnada kaga imaaneysa maqaayadaha iyo hoteellada. Waxaa u keydsan cunno wakhti dheer qaadaneyso. Innagu carruurta ma siino cunno isticmaalkeeda la dhaafay.”

“Hay’adda FEED waxay sidoo kale carruurta u fidisaa daryeel caafimaad ka sokow quudinta. Waxay sidoo kale xarun caafimaad ka sameysay waddada dhinaceeda, halkaasi oo ay ku diyaar yihiin dhaqaatiir si ay u daweeyaan carruurta darbi jiifka ah. Ilaa hadda, waxay daweeyeen 150 carruur ah.

FEED waxaa hareeraha waddooyinka ugu shaqeeya inka badan 40 dhakhaatiir, oo uu intooda badan takhasuskoodu yahay carruurta. Ka sokow, dhammaan daaweyntu waxay ku baxaan lacag la’aan daawooyinkana waa bilaash.