Madaxweynaha loo Doortay Gal-mudug Maxay Dowladda Soomaaliya iyo Caalamku ka yidhaahdeen?

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor MADAXWEYNAHA CUSUB EE GALMUDUG LOO DOORTAY 2020
Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor MADAXWEYNAHA CUSUB EE GALMUDUG LOO DOORTAY 2020

Dhuusamareeb(Aftahannews):- Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo Xubin ka ah Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Hase-yeeshee, waxaa doorashadaa qaaddacay garabka Ahlu-Suna iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor MADAXWEYNAHA CUSUB EE GALMUDUG LOO DOORTAY 2020
Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor MADAXWEYNAHA CUSUB EE GALMUDUG LOO DOORTAY 2020

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu helay 66 cod halka musharixii ugu so dhawaana, Cabdullaahi Axmed Samatar, uu helay 9 cod o kali ah. Dhawaan ayaa garabka Ahlu Sunna waxay Dhuusamareeb ugu doorteen inuu noqdo madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Dhinaca kale magaalada Gaalkacyo iyana waxaa baarlamaan cusub kaga dhawaaqay garabka madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kuwaas oo Xareed Cali Xareed u doortay inuu noqdo gudoomiyahooda.

Sidoo kale sida ay wax u socdaan waxaa ka biyo-diiday qaar ka mid ah musharaxiintii u taagnaa xilka madaxtinimada sida Cabdiraxmaan Odowaa, Cabdi Dheere, Cabudllaahi Faarax iyo Kamaal Guutaale, kuwaas oo sheegay in aysan ka qeybgeli doonin doorasho ay sheegeen in ay maamuli doonaan guddi kala qeybsan.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo taagersaneyd hanaankan ayaa si weyn u so dhaweysay una hambalyeysay madaxweynahay la doortay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay, inuu ” u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug”

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya Amb Yamamoto oo ka hadlay doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa u hambalyeeyay Qoor Qoor kuna baaqay xasillooni.

SAFIIRKA MARAYKANKA U QAABBILSAN SOOMAALIYA OO KA HADLAY MADAXWEYNAHA GALMUDUG LOO DOORTAY 2020
SAFIIRKA MARAYKANKA U QAABBILSAN SOOMAALIYA OO KA HADLAY MADAXWEYNAHA GALMUDUG LOO DOORTAY 2020

“Hambalyo Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Qoor Qoor. Hadda waa in aan diirada saarnaa mudnaanta koowaad ee Amniga Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha la doortay Qoorqoor, ayaa BBC-da u sheegay inuu rajeynaya in doorashadiisa ay horseeda dib u heshiisiin, isagoo sheegay inuu xiriir la sameyn doono dhammaan dhinacayda Galmudug.

Balse Rashiid Cabdi oo ka faalooda arrimaha gobolka geeska Afrika ayaa qaba in hananakan lagu dooortay Qoor Qoor uu khalkhal gelin kara xasillonida mustaqbalka fog.

“Dowladda Soomaliya waxay heshay qaabkii ay rabtay markii la dorrtay ninkii ay wadatay ee ahaa Qoor Qoor, taasoo ahayd hadafka uu Kheyre ka lahaa faragelinta gobolkaasi… Laakiin arrintaa xasillonida mustaqbalka fog dani u maha oo Galmudug way kala qeybsan tahay”, ayuu ku yiri qoraal u so dhigay bartiisa Twitter-ka

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena ka mid ahaa musharrixiinta aan is diiwaangelin ee Galmudug, ayaa sheegay In madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka ay leeyihiin masuuliyada

“Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen inay Galmudug ka sameystaan maamul ay gacantooda ku samaysteen” ayuu yidhi Odawaa.

“Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsantahay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa”, ayuu ku sheegay qoraal o soo saaray”. ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xigasho BBCSomali.com.