Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Badaha Somalia Sun Lagu Daadiyey

Muqdisho (Aftahannews)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Soomaaliya (Axmed Ciise Cawad) ayaa sheegay in qiraal loo hayo in badda Soomaaliya lagu daadiyay sun, xilli uu la hadlayay warbaahinta qaranka.

Wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu carabaabo halka uu k asoo xigtay warkan saameynta weyn leh iyo xitaa cidda leh mas’uuliyadda falkan.

Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga dowladda federaalka ayaa sheegtay dhawaan iney baadhitaan ku sameyn doonto arrinta xilli dhawaan xeebaha magaalada Muqdisho ay kusoo caariyeen kalluun badan.

Sida la wada ogyahay biyaha Soomaaliya waxaa ilaaliya maraakiib Shisheeye oo aad u badan hadana waxaa mar walba ka dhaca falalka ugu badan ee loogu xad gudbayo sharciga kallumeysiga iyo xad gudubyo kale, sidoo kale lama oga hadii hadalka kasoo yeeray Cawad uu salka ku haayo baaritaanada laga sugayay Wasaaradda ku shaqada leh arrimahaan.

Dhanka kale Cawada wuxuu cudur daar ka bixiyay tabashooyinka laga soo gudbiyay safarada dibadda, wuxuuna sheegay iney wax ka qaban doonaan.

Ugu dambeyntiina Cawad wuxuu qiray iney Sacuudiga aad isugu dhaw yahiin marka lala barbardhigo dhigooda Imaaraadka carabta, balse wuxuu rajeeyay in wax walba ay soo kobcaan wakhtiyada soo socda.