Badhasaabka Awdal: “Anigu Diinta ma Caayin, Sheekh Xasan-na waa Al-Shabaab.. Anigu Reer lama Joogo ee..”

Boorama(aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi-Shaqaabe), ayaa ka jawaabay eedaymo ay u jeediyeen Culimo ka tirsan Shuyuukhda magaalada Boorama, kuwaas oo qaarkood Khudbadihii Jimcaha ee shalay Masaajiddada ay ka jeediyeen ku sheegay inuu Badhasaabka Awdal Diinta caayey, kuna baaqay in tallaabo sharci ah laga qaado.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Awdal Cabdiraxmaan Shaqaabe oo Warbaahinta horteeda ku Ashahaatay Sabtidii maanta oo uu kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Boorama, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin inuu Diinta caayey ee uu yahay Qof Islaam ah.

Guddoomiye Shaqaabe, waxa uu ku eedeeyey inuu Xarakada Al-Shabaab ka tirsan yahay Sheekh Xasan Diheeye oo ka mid ah Culimada Boorama ee shalay ku eedeeyey inuu Diinta caayey, kaas oo uu Badhasaabku ku tilmaamay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay, isla markaana doonayo inuu afkiisa ku dumiyo dowladnimada Somaliland oo uu Dadka iyo Beelaha iyo Dawladda iska hor-keeno.

Hadalka uu Guddoomiyaha gobolka Awdal ka jeediyey Shirka Jaraa’id ee uu ku qabtay Boorama ee uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkiisa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.