Aqoonyahanno, Wax-garad iyo Abwaanno Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Dalka  Warqad Furanna Kula Dardaarmay Madaxweyne Biixi

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno aqoonyahano iyo abwaano ah ayaa baaq kasoo saaray xaalada dalka iyagoo taloooyin wax ku ool ahna usoo gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Baaqa iyo talooyinkaas oo ay aqoonyahanku kusoo gudbiyeen warqad furan. Aqoonyahankan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada isla markaana ka madax banaan xisbiyada siyaasada ayaa si wayn u saafay duruufaha dalku waajahay labada sano ee uu xilka hayo madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aqoonyahankani waxay si mug leh u dul mareen xaalada dalka ee dhinaca dawladnimada, wadajirka umadda, doorashooyinka iyo siyaasada arrimaha dibadda. Waxay aqoonyahankani talooyin qiimo badan oo wax wayn ka taraya dawladnimada iyo horumarka Somaliland usoo gudbiyeen Madaxweynaha. Lama garan karo in madaxweynuhu talooyinkan qaadan doono iyo sida uu uga jawaab celin doono.

Haddaba, Qoraalka Warqadda Furin ee Muwaaddiniinta kala duwan ee Magacyadoodu hoos ku xusan yihiin talooyinka, tusaalaha iyo dardaarankaba ugu jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

Mudane Madaxweye,

Annaga oo ah muwaadiniinta hoos magacyadoodu ku qoranyihiin.  Salaan iyo duco in Alle ku waafajiyo oo kuu fududeeyo gudashada xilka ummaddu kuu igmatay ka dib, waxa aannu is tusnay in sida xaquuqdayada muwaaddinnimo dhawristeedu kuu saran tahay, aad annagana waajib noogu leedahay in wixii talo aannu bidno kuu soo gudbino,taas oo ah waajib qaran iyo damiir wadaninimo oo na saaran. 

Mudane Madaxweyne, doorashadii u dambaysay, waxa aad ku guulaysatay aqlabiyad aanay hore u helin hoggaamiyeyaashii kaa horreeyey. Guushaa taariikhiga ahi waxa ay muujinaysaa sida ay ummadda badankeedu u arkaysay in aad tahay musharraxa ugu habboonaa ee marxaladda taagan ee dalkeenna kala dabbaalan lahaa duruufaha qallafsan ee siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee ina horyaallay.

Waxa run ah in bilawgii mudda-xileedkaaga aad ku tallaabsatay isbedello togan oo dhinacyo door ah taabtay oo ummadduna kugu hambalyeeyeen, rejo iyo yididiilo wacanna ku abuurtay. Waxase jira, mudane Madaxweyne, marka la eego dhacdooyinka dhawaanahan soo noqnoqonaya iyo guud ahaan xaaladda dalku ku suganyahay gudo iyo dibadba, in walaac badan aannu ka qabno in fursado dahabi ah oo aad haysatay ay farahaaga kasii baxayaan, dalkuna gelayo xaalad adag oo aan dhammaadkeeduna saadaal qurux badan lahayn. Belo-sheegnimo ma aha ee waa baraarujin iyo ka-dardaarwerin wax aan habboonayn inoona qalmin oo inagu dhici kara!

Mudane Madaxweyne, waxa si gaar ah noo murug gelinaysa in danyartii tirada badayd ee aad u ballan qaadday in doorashadaadu ay noloshooda wax ka beddeli doonto, aanay ilaa maanta culays ku kordhay mooyee, wax la taaban karo ka hayn madaxweynamidaada oo hadda laba sanno wax dheeryihiin. Horumar muuqdaa kuma kordhin adeegyadii bulshada ee aasaasiga ahaa, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, caddaaladda iwm. Qorshahii wax aad uga badali lahaydna kaama muuqdo. Waxaa oo qarankeenu markii u horaysay mudo labo sano ah ku muransanyahay, guddi doorasho, oo lagaga mashquulay arrimo masiiri ah, sababtayna in markii lixaad loo kordhiyay golayaashii markii la doortay ilmihii dhashay maanta uu gaashaanqaad yahay. Taas oo u muuqata in gabbal u dumay dimuqraadiyaddii aynu ku naalloon jirnay, dhaawac muuqda gaadhsiisay xidhiidhkii aynu lalahayn saaxiibbo badan oo u heellanaa taageerada qaddiyadda dalka iyo dadka reer Somaliland.  Waxa werwerkeeda leh in uu midnimadii iyo iskuduubnidiidii shacabka reer Somaliland sii wiiqmayso, bulshadeenniinaaad ukala qaybsantahay.

Marka haddaba xaal sidaa yahay, annaga oo dareensan duruufaha adag ee aad xilka kula wareegtay;aafooyinka dabiiciga ah ee inagu habsaday, hirdanka siyaasiga ah ee dawladda Xamar iyo aqoonsi-la’aanta dawladdeenna. Mudane Madaxweyne, annagoo ujeedkayagu yahay samadoon iyo taageero, waxa waajibka waddaninimo iyo ka Islaamnimo, labaduba na farayaan in xaqa aad nagu leedahay aannaan dayicin ee wixii talo nala gudboon oo aannu ku soo koobnay qodobbadan soo socda, kuu soo gudbinno:

  1. SooCelinta Midnimada Iyo Rejada Ummadda: Mudane Madaxweyne, waxaa heerkii ugu hooseeyay gaadhay wadajirkii ummadda iyo ku-niyadsamaantii waddankooda. Sidaa awgeed, waxaannu kugula talinaynaa in aad si dhug leh oo dhab ah uga hawlgasho in ummadda la isku soo duwo, lagana saaro kala-qaybsanaanta baahsan ee ay inagu reebtay doorashadii madaxtooyadu, iyo niyadjabka ka dhashay daruufaha qallafsan ee inasoo food saaray. Annaga oo eegayna duruufaha inagu gedaaman gudo iyo dibadba, waxa Madaxweyne daruuri ah in si hufan, dhinacyo badan oo miisaaman looga shaqeeyo wadajirka ummadda, aad hormoodna ugu noqoto siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo aqoonyahanka kale ee aad kawada masuulka tahay.

 

  1. Dhaqaalaha: Dhaqaaluhu waa udubdhexaadka dawladnimo iyo nolosha bulshadaba, horumarka iyo dibudhaca dhaqaaluhu waxa saamayn toosa ay ku leeyihiin dhismaha iyo sii-adkaynta dawladnimada. In kasta oo dastuurka Somaliland caddeeyay inhannaanka dhaqaale ee waddanku yahay dhaqaalaha xorta ah, haddana waxaa mar kasta jira habab ay dawladdu u saamayn karto una dhiirrigelin kartokoboca iyo horumarka dhaqaalaha. Mudane Madaxweyne, waan kugu hambalyeynayaa kor u qaadka dhakhliga iyo yaraynta u isticmaalka cashuurta muwaadiniinta arimo aan ahmiyad lahayn, waxaanuse kugu baraarujinaynaa saamaynta taban ee ay leedahay in dhaqaalaha laga hayo suuqa. Waxaakale oo muuqata, mudane Madaxweyne, in sicirbararka iyo camal-la’aanta oo ah aafooyinka dhaqaale, ay sii kordhayeen muddooyinkii u dambeeyay, sidoo kalena aanay jirin maalgashiyo la taaban karo oo inoo hirgalay inta aad talada haysay. Sidaa awgeed, mudane Madaxweyne, waxaannu kuusoo jeedinaynaa in xukuumaddaadu culays saarto kobcinta dhaqaalaha, la timaaddana dedaallo iyo qorshayaal lagu kobcinayo dhaqaalaha, shaqa-abuurka, waxna laga qabto sicirbararka xadhkaha goostay, tiiyoo aynu ka faa’idaysanayno fursadaha dhaqaale ee gobolka ka jira iyo khayraadka waddanka, hannaan aqoon iyo waaya-aragnimo ku dhisan.

 

  1. Adeegyada Bulshada iyo Horumarka:Duruufaha nololeed ee bulshadu waxa ay u baahan yihiin in si degdeg ah oo muuqata wax looga qabto. Waxa aad u kala dhiman, meelaha qaarna maqan gebi ahaanba, adeegyadii bulsho, iyada oo aanay wax muuqdaa uga soo noqon bulshada danyarta ah cashuuraha tirada badan ee laga qaado. Waxa taa dheer shaqa-la’aan baahsan oo haysata dhallinyarada, iyada oo 70% dadkeennuna dhallinyaro yihiin. Arrintan oo aan fiiro gaar ah loo yeelani, halis badan ayay keeni kartaa. Waxa habboon in jihaynta siyaasadeed ee dhallinyarada ee aad bilowday lagu kaabo siyaasado cad, barnaamijyo dhanka bulshada iyo shaqa-abuur ah oo dhallinta inteeda kale fursado u abuuri kara.

Mudane Madaxwayne, waxa muuqata in intii Somaliland jirtayba aanay yeelan mashruuc qaran oo ku salaysan horumarin iyo dhismaha dadka.  Waxa aannu kugula talinaynaa in si dhakhso ah aad usoo bandhigto mashruuc horumarineed oo cinwaan u noqda marxaladda lagu jiro, muwaaddiniintuna ay hareeraha ka galaan. Soojeedintayadu waxay tahay in mashruucaasi noqdo mid waxbarashada ama caafimaadka ku qotoma, hirgelintiisuna wax ka beddesho nolosha danyarta, shaqana abuura.

 

  1. Maamul-wanaagga iyo dimuqraaddiyadda: Mudane Madaxweyne, waxa aynu qarankan u dhisannay in aynu helno maamul wanaagsan oo dimuqraaddi ah, abuurana jewi suga dhammaan xuquuqda iyo daryeelka muwaaddiniintiisa. Haba kala waayo iyo wacyi duwaanaatee, waxa Somaliland ku tallaabsanaysay fidinta iyo adkaynka maamulkeeda iyo abuuridda iyo kobcinta hannaan dimuqraadiah oo gobolka iyo Afrikaba laga majeerto, tusaalena loosoo qaato. Mudane Madaxweyne, intii aad xukunka haysay waxaa soo if baxaya in degaanno dalka kamidah oo lagaa doortay ay hadda faraheenna ka baxeen. Sidoo kale, waxa nabarro muuqdaa soo gaadheen dimuqraaddiyaddii aynu magaca iyo maamuuska san ku helnay, saxiibbada iyo taageerada badanna inoo abuuray. Sidaa darteed, waxaan soo jeedinaynaa, xil weynina kaa saaran yahay, in dalka lawada gaadhsiiyo maamulka, taas oo isla markaana lagu kobcinayo tayada iyo hannaanka is-maamulwanaagga. Sidoo kale, waxa Madaxweyne aannu ku talinaynaa in aad qaadato hoggaanka kobcinta dimuqraaddiyada, qabashada doorashooyinkeenna markii lixaad dib u dhacaya, si xilkasnimo, tudhaale, wadatashi iyo waaya-aragnimo lehna u xalliso dhammaan daruufahaiyo khilaafyada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyin xor ah oo xalaalah, si awoodda doorasho iyo isla-xisaabtanba loogu soo cesho shacabka.

 

Sugidda xuquuqdamuwaadinka iyo xorriyadda ra’yiga: Mudane Madaxweyne, sida ay xustay warbixinta xuuquuqal insaanku, waxaa halkii ugu saraysay gaadhay intii Somaliland jirtay xadhigyada siyaasiga iyo ka la xidhiidha xoriyada rayiga oo ah xuquuq muwaaddiniinta dastuurku siiyay.  Runtii dad badani kaama filayn in adiga oo ka dagaalamay caddaaladdarro iyo dulmi, in dawladdaadu noqoto tii ugu xidhiga iyo xadgudub badnayn Somaliland, marka la eego xukuumadihii soo maray. Haddaba Madaxweyne, waxaannu kugula talinaynaa inaad muwaaddiniinta fekerkooda u xidhan sii dayso oo aan laga xayirin xorriyadda inta dastuurku u oggolyahay.

 

Ladagaalanka Musuqmaasuqa: Mudane Madaxweyne, sidaad ogtahay haynta dawladdu ma buurna, waxaa intii dambe jirtay musuqmaasuq baahsan oo saameeyay meelo badan. Inkasta oo xukuumaddaadu qaadday tallaabooyin u ekaa in musuqa wax laga qabanayo oo ay jireen masuuliyiin xilalkoodii ku waayay baadhistii lagu sameeyay xafiisyadii ay hogaaminayeen, haddana weli may dhicin in masuul hanti-lunsi sameeyay maxkamad lagu soo taagay oo xukun lagu qaaday. Waxaannu kaa codsanaynaa in aad ku dhiirrato in si dhab ah wax looga qabto boobka hantida iyo xatooyada xoolaha ummadda.

 

  1. Dedaallada Ictiraafraadinta: Mudane Madaxweyne, sida aad ka war qabto waxaa gobolkeena ka socda isbedelo xoogan oo siyaasi iyo dhaqaale iskugu jira kuwaas oo fursado iyo caqabadoba ku keenaya qadiyada aqoonsiraadiska ee Somaliland. Waxaase manta muuqata in ay aad hoos ugu dhacday hadal haynta iyo dedaalada aqoonsi raadinta qaranka. Sidaa darteed waxaannu soo jeedinaynaa in arrinta fiiro gaar ah loo yeesho,iyada oo ishana lagu hayo isbedellada xaaladaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee gobolka iyo dunida maadaama oo adiga iyo dad badaniba u arkaan in halis badan iyo fursado dahabi ahba ay Somaliland kala kulmi karto.   

Ugu dambeyn, mudane Madaxweyne, waxa aannu ku niyadsannahay in aad tixgalin siin doonto talooyinkan iyo kuwa kale ee badan ee bulshadu kuu soo jeedinayso.  Haba yaraatee, ma aha dhaliil, waase muwaaddiniin dalkooda iyo hoggaanka ummaddooda lexejeclo ka qabaa talo ay soo jeedinayeen.”

Allaa MahadLeh. Sidoo kale, Warkaas oo Muuqaal-dhegaysi ah waxaad kaga bogan kartaan halkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

Liiska Dadka Saxeexay:

  1. Prof Abdinasir Ibrahim Saacadaale
  2. Dr Mohamed Ibrahim Sh Cali
  3. Garyaqaan Yuusuf Biixi Muxumed
  4. Dr Mohamed Yousuf Culimo
  5. Xamda Maxamed Xuseen
  6. Ayaan Axmed Xaashi
  7. Garyaqaan Cabdale Daahir Aadan
  8. Qoraa Cabdinaasir Axmed Abraham
  9. Abwaan Cabdiraxman Ibrahim Aadan (Abees)
  10. Abwaan Cabdillaahi Xassan Ganey
  11. Abwaan Cawaale Saleebaan Ismaaciil (Cawaale Deeqsi)
  12. Axmed Cumar Faahiye
  13. Axmed Xussein Xassan
  14. Ibraahim Muxumed Cabdi
  15. Muxiyadiin Yusuf Cadde
  16. Abdale Mohammed Ahmed;
  17. Cabdiraxman Ismaaciil cumar;
  18. Xassan Jaamac Yassin
  19. Cabdirahman Aadam Ismaaciil
  20. Cabdi Ibrahim jama
  21. Mohamed Ibrahim Cabdi
  22. Xussein Axmed Cabdullahi
  23. Cabdirahman Mohammed Ahmed
  24. Jibriil Axmed Cabdi
  25. Ahmednasir Hassan Haji
  26. Mohamed Abdi Yonis
  27. Mustafe Saleebaan Cilmi.