Wasiir Ku Faanay In Xukuumadda Aannu Ku Maqnayn Hal Baloodh

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka halday hadalaynta suuqa ee la xidhiidha in xukuumada haatan ay dadka dhulka ka qaado, waxaanu sheegay in uu dadka u sheegayo inay soo sheegaan baloodh dhankooda ku leexday.

Wasiir Maxamed Kaahin oo isaga iyo wasiiro kale ay ka dhagax dhigayeen Wajaale xarumo dawladeed oo dhawr ah ayaa sidan warbaahinta ka hor sheegay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Waxaanu ka hirgaliyanynaa dabdamiska,dawlada hoose oo intaasi waa intii wasaarada daakhiliga, intii wasaarada cadaaladuna halkan yay ka hirgalysaa  xeer ilaalintii iyo maxkamadihii, intaasina waxay ka qaybgalaysaa haayada sirdonka qaranka  dadweynaha waxaan u sheegayaa  maantaba waydikan oo waad arkaysaan dhulkii kalena waa la hayaa  hadii aad soo heshaan in baloodho nagu leexdeen  ama degmada ama gobalka ama wasaarada hawlaha guud ama wasaarada daakhiliga intayadaas ayaa maamusha waydin soo sheegi, waxaan doonaynaa barnaamijyada horumarinta  dagmo dalka ah oo intan laga hirgaliyay Togwajaale ayaa jirta.”