Ucid Oo Soo Bandhigay Dad Xukuumaddu Xidh-xidhay Ee Isugu Jiray Siyaasiyiin, Saxafiyiin Iyo Shacab

Hargeysa, (Aftahannews)-Yuusuf Kayse oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ee Ucid oo ka hadlay inaanay xukuumadu soo dhawayn, isla markaana aanay dhiirigalin ardayda ka qalin jibisa kuliyada saxaafada oo cadow ay u aragto.

Waxaanu sheegay in xukuumada looga baahan yahay inaanay cadow u arag saxaafada, balse ay warbaahintu tahay muraayada shacbiga iyo dawladaba ayaa tilmaamay in xukuumadihii dalka soo maray midba meel soo gaadhsiisay qaranka.

Mr. Yuusuf Kayse ayaa carabka ku dhuftay in xukuumada wakhti xaadirkan talada dalka haysa muddadii ay jirtay dad farabadan xabsiyada u taxaabtay, kuwaas oo uu sheegay inay isugu jireen suxufiyiin, siyaasiyiin iyo shacbi.

Waxaanu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay xaflad loo sameeyay arday ka qalin jabiyay barashada kuliyada saxaafada oo u sheegay in munaasibada aanay ka soo qaybgalin  xubno ka socda xukumada.   

Ugu horayn isaga ka hadlaya arrimahaasi oo dhinacyo badan taabanaya waxa ka mid ahaa hadalkiisa “80-ka arday ee ka qalin jabiyay kuliyada saxaafada  iman xukuumadu waxaan u macnaysanaya xukuumadu haday iman wayday munaasibadan inay u arkayaam cadow ku soo baxaya, waxaan leeyahay maaha, saxaafadu waa muraayada shacbigeena, waa muraayada xukuumadu isku aragto.Waxaan leeyahay xukuumadu ha ka soo qaybgasho xafladaha qalin jabinta ah, lacag siin maayaane ha dhiirigalinyaan oo wasaarada waxbarashada iyo warfaafinta ha ka soo qaybgalaan.”Ayuu yidhi Yuusuf Kayse, waxaannu hadalkiisii sii raaciyey “Xukuumadeenani xukuumadihii dalka soo maray midba meel buu soo gaadhsiiyay qaranka, xukuumadan imika labada sano jirta sannadkan 2019-ka dadka la xidhxidhay 88 qof bay ahaayeen oo saxaafada, siyaasiyiin iyo shacbi-ba isugu jira. “Waxay isku darsatay daan-daansi badan iyo dulqaad la’aan, doraad waxaan arkayay Maxamed Kaahin iyo wasiirka warfaafinta oo isku raacay in soddon wariye ay lacag Soomaaliya ka qaataan, waxaan u arkaa uun inay tahay daan-daansi, inay tahay cabudhin iyo cago-juglayn iyo car-juuq dheh inay tahay  baan u arka, waa siglan ay bixinayaan oo ah waanu idin soo xidhi doona hadaad wax naga sheegtaan”.